Flick oo kahadlay Rajada Barcelona ee ku guuleysiga Champions League ga ?

0

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa qirtay in Paris Saint-Germain ay kooxdiisa ka fiicnayd kaddib markii Barcelona looga adkaaday 4-2 kulan ka tirsanaa Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, Guuldarradan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Barcelona soo gaarta xilli ciyaareedkan.

Flick ayaa sheegay in kooxdiisu ay khaladaad ka sameysay kubad heysashada, isla markaana ciyaartoydu ay daaleen tobankii daqiiqo ee ugu dambeeyay. Si kastaba, wuxuu xusay in koobabka aan lagu guuleysan bisha Oktoobar, balse Champions League lagu kala baxo bisha Juun.

Advertisment

Tababaruhu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Dani Olmo uu dhaawac dareemay intii ciyaartu socotay, iyadoo aan weli la ogeyn heerka dhaawaciisa. Wuxuu ammaanay da’yarka Xavi Espart oo bandhig wanaagsan sameeyay.

Dhanka kale, Flick ayaa sheegay in Rodri nasasho la siiyay si uu ugu diyaar garoobo kulanka Real Madrid ee Axadda, kaddib markii uu u ciyaaray xulka qaranka Spain iyo Barcelona.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here