Kabtanka Barcelona, Raphinha, ayaa ka hadlay guuldarradii 4-2 ahayd ee kooxdiisa kala kulantay Paris Saint-Germain kulan ka tirsanaa Champions League, isaga oo sheegay in natiijadaasi aysan saameyn ku yeelan doonin kulanka weyn ee ay Axadda la ciyaari doonaan Real Madrid.
Raphinha ayaa sheegay in Barcelona ay ogayd adkaanta PSG, maadaama ay tahay koox awood badan oo laba jeer oo xiriir ah ku guuleysatay Champions League, isla markaana kulanka lagu ciyaarayay garoonkeeda.
Wuxuu qiray in Barcelona ay dooneysay inay Paris kala soo laabato guul ama ugu yaraan barbaro, balse ay hadda muhiim tahay inay wax ka barato guuldarrada, ayna dhageysato talooyinka tababare Hansi Flick si ay ugu diyaar garowdo kulanka soo socda.
Kabtanka Barcelona ayaa sidoo kale ammaanay nidaamka ciyaareed ee PSG, isaga oo sheegay in kooxdiisu ay soo bandhigtay ciyaar tartan leh, isla markaana kulankaasi uu ahaa imtixaan waxtar u leh qiimeynta awoodda Barcelona.
Raphinha ayaa intaas ku daray inuu tababarka buuxa ku jiray wax ka yar hal toddobaad, isla markaana beddelkiisii kulanka PSG uu ahaa qorshe horay loo dejiyay. Wuxuu sheegay inuu dareemayay xaalad jireed oo wanaagsan.
Ugu dambeyn, markii la weydiiyay in guuldarrada PSG ay saameyn ku yeelan karto Barcelona ka hor kulanka Real Madrid, Raphinha wuxuu ku jawaabay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin.
Barcelona ayaa hadda wajihi doonta Real Madrid Axadda soo socota, kulan ka dhacaya garoonka Camp Nou, kaas oo labada kooxoodba muhiimad weyn u leh.

