Abaabulayaasha abaalmarinta Ballon d’Or ayaa shaaciyay habka loo kala saari doono ciyaartoyda haddii ay helaan codad isku mid ah.
Qoraal ay France Football Talaadadii ku daabacday barta X ayay ku caddeysay cidda go’aamin doonta guuleystaha haddii codadku isle’ekaadaan.
Haddii laba ciyaaryahan ay helaan codad isku mid ah, waxaa lagu kala saari doonaa tirada codadka kaalinta koowaad ee mid kasta helay.
Haddii ay weli barbaro ku sii jiraan, waxaa la eegi doonaa tirada codadka kaalinta labaad. Haddii loo baahdo, waxaa sidoo kale la tixgelin doonaa codadka kaalinta saddexaad iyo kuwa xiga ilaa la helo ciyaaryahanka guuleysanaya.
Guuleystaha Ballon d’Or ee sanadkan ayaa lagu dhawaaqi doonaa Isniinta soo socota, xaflad ka dhici doonta magaalada London.
Xiddigaha ugu cadcad abaalmarinta waxaa ka mid ah Lamine Yamal oo u ciyaara Barcelona, Harry Kane oo ka tirsan Bayern Munich iyo Kylian Mbappé oo Real Madrid u ciyaara.

