Fabregas Oo Arsenal U Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Si Ay Man City Ugu Garaacdo Premier League

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Cesc Fabregas ayaa sheegay in ay Arsenal ku baahantahay Weeraryahan heer sare ah si ay Man City ugu Garaacdo Horyaalka Premier League Xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa ku fashilantay ku guulaysiga premier league xilli ciyaareedkii 2-aad Oo xidhiidh ah iyaga Oo u lumisay Man City.

Man City waxa hogaaminayay weerarkeeda xiddiga Haaland kaas Oo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan Kuna guulaystay gooldhalinta premier league.

Fabregas ayaa sheegay in ay Arsenal u baahantahay Weeraryahan heer sare ah suuqa Xagaaga

“Arsenal waxa ay u baahantahay Weeraryahan dhalin kara 30 gool xilli ciyaareedka si ay Man City ugu Garaacdo Horyaalka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga