Tababarihii hore ee Newcastle United, Eddie Howe, ayaa lagu soo warramayaa inuu durba daraasad ku sameynayo ciyaaraha Manchester United, isla markaana uu qoraallo ka diyaarinayo kooxda, iyadoo mustaqbalka Michael Carrick uu mugdi ku jiro.
Carrick ayaa cadaadis xooggan wajahaya kaddib markii Manchester United ay 3-0 kaga adkaatay Bournemouth garoonka Old Trafford, taasoo noqotay guuldarradii lixaad ee 12 kulan gudahood, kooxduna ay hal dhibic oo keliya ka sarreyso aagga heerka labaad.
Maamulka United ayaa kulan ka yeeshay mustaqbalka tababaraha, iyadoo Eddie Howe uu yahay musharrax uu taageerayo agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox. Dhanka kale, Julian Nagelsmann ayaa isna ka mid ah magacyada la tixgelinayo.
Howe, oo Newcastle kula guuleystay Carabao Cup, ayaa hore u sheegay inuu doonayo nasasho kaddib markii uu kooxda ka tagay bishii Luulyo. Si kastaba, warbixintu waxay sheegaysaa inuu diyaar u noqon karo wadahadal uu la yeesho Manchester United haddii shaqada tababarenimada ay bannaanaato.
Ilaa hadda, United ma aysan xaqiijin in Michael Carrick shaqada laga ceyrinayo ama tababare cusub la magacaabayo.

