Daawo Dadkii ugu Caansanaa ee xalay ka qeyb galay abaalmarinta Ballon dior ee Kane uu ku guuleystay

0

Xiddigaha kubadda cagta iyo dadka caanka ah ayaa isugu soo baxay xafladda abaalmarinta Ballon d’Or 2026, oo lagu qabtay London Palladium, iyadoo Harry Kane, Lamine Yamal iyo Kylian Mbappé ay ka mid ahaayeen musharraxiinta ugu cadcad abaalmarinta ugu weyn.

Kabtan-ka xulka England, Harry Kane, ayaa rajeynayay inuu taariikh sameeyo, isagoo doonayay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee ku guuleysta abaalmarinta ragga tan iyo Michael Owen oo hantay sannadkii 2001.

Advertisment

Dhanka kale, Lamine Yamal oo u ciyaara Barcelona iyo Kylian Mbappé oo ka tirsan Real Madrid ayaa iyaguna u tartamayay abaalmarinta. Mbappé ayaa markii ugu horreysay rajeynayay inuu ku guuleysto, iyadoo Real Madrid ay dib ugu soo laabatay xafladda kaddib labo sano oo ay qaadacaysay.

Xafladda waxaa sidoo kale ka qeybgalay halyeeyada kubadda cagta sida Ronaldo Nazário, Gary Lineker, Alan Shearer, Luís Figo iyo Jamie Carragher. Dadka caanka ah ee madadaalada waxaa ka mid ahaa atariishada Sophie Turner iyo fannaanadda Jorja Smith.

Sida ay warbixintu sheegtay, xafladda waxaa daadihinayay Kate Scott iyo halyeeyga Faransiiska Thierry Henry.

 

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here