DEG DEG Ronaldo oo ku dhawaaqay inuu kabaxay Xulka qaranka Portugal kuna dhawaaqay gadood

0

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka baxay xerada tababarka xulka qaranka Portugal, kaddib markii uu wada-hadal la yeeshay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal.

Ronaldo ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu yimid kaddib shir-jaraa’id uu qabtay tababaraha xulka Portugal, waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay qayb ka ahayd sababta uu uga baxay xerada.

Advertisment

Ronaldo ayaa hadalkiisa ku sheegay: – “Kaddib shir-jaraa’idkii tababaraha xulka qaranka iyo wada-hadal aan la yeeshay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal, waxaan go’aansaday inaan ka baxo xerada tababarka xulka qaranka.”

Ronaldo wuxuu intaas ku daray inuu mustaqbalka faahfaahin ka bixin doono sababta dhabta ah ee keentay inuu ka tago xerada xulka:- “Waqtiga ku habboon, waxaan shacabka Portugal u sheegi doonaa runta ku saabsan sababihii igu kallifay inaan ka baxo xulka qaranka, xulka aan mar walba naftayda iyo dadaalkayga u huray.”

Ronaldo ayaa sidoo kale fariin u diray xulka Portugal iyo ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin, isagoo yiri:

“Hadda waa waqtigii aan u rajayn lahaa nasiib wanaagsan Portugal iyo dhammaan saaxiibbadayda kooxda.”

Hadallada Ronaldo waxay muujinayaan in khilaaf ama arrin muhiim ah ay ka dambayn karto go’aanka uu kaga baxay xerada xulka, balse ciyaaryahanku weli si faahfaahsan uma shaacin waxa dhacay.

Waxa uu caddeeyay oo keliya inuu mustaqbalka soo bandhigi doono sababaha dhabta ah ee uu uga baxay xulka Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here