DEG-DEG: Liverpool Oo Wadahadalo La Qaadatay Xiddig Si Weyn Loo Qiimeeyo.

Liverpool ayaa wadahadalo la qaadatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Florian Wirtz, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Germany.

22 jirkan ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ugu cad cad Leverkusen isagoo dhaliyay 21 gool iyo 23 caawin labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ee Bundesliga.

Wirtz ayaa soo jiitay kooxo dhowr ah ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo Bayern Munich iyo Manchester City ay labaduba isha ku hayaan heshiis.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid iyo Arsenal 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Toddobaadkii hore, warar ayaa sheegayay in Wirtz uu ogolaaday inuu ku biiro Bayern, inkastoo kooxda heysata horyaalka Bundesliga aysan heshiis la gaarin Leverkusen.

Salaasadii Wirtz waxa uu Ingiriiska ugu safray diyaarad khaas ah isaga iyo waalidkiis, Karin Gross iyo Hans Wirtz, si uu wadahadal ula yeesho Manchester City.

Laakiin sida laga soo xigtay Kicker, Bold iyo Sueddeutsche Zeitung, Wirtz iyo waalidkii ayaa sidoo kale la kulmay Liverpool si ay ugala hadlaan suurtagalnimada u dhaqaaqista Anfield.

Leverkusen ayaa u furan in ay iska iibiso Wirtz xagaagan laakiin waxa ay dalbanaysaa lacag dhan 150 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga