DEG DEG Lionel Messi ayaa fariin qiiro leh u diray taageerayaashiisa & Hadal qalbiga taabtay ?

0

Lionel Messi ayaa fariin qiiro leh u diray taageerayaashiisa, isagoo ka hadlay marxalad uu sheegay inay soo gaartay waqtigeedii.

Messi ayaa fariintiisa ku yiri: “Waqtigii ayaa yimid. Waxaan ka tagayaa anigoo nabad qaba, waxaana bixiyay wax walba oo aan awooday.”

Advertisment

Xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale sheegay in funaanadda uu xirnaa ay muddo sannado ah ahayd riyadiisa, sharaftiisa iyo noloshiisa, Messi ayaa taageerayaashiisa uga mahadceliyay jacaylka iyo taageerada ay siiyeen, isagoo yiri: “Waad ku mahadsan tihiin sida weyn ee aad ii jeclaateen iyo taageeradiinna.”

Wuxuuna fariintiisa kusoo xiray hadal xusuus leh: “Mar walba waad kujiri doontaan qalbigayga.”

Fariintan ayaa timid iyadoo taageerayaasha kubadda cagta ay si weyn uga falcelinayaan hadallada Messi, kuwaas oo u muuqda fariin ku saabsan dhamaadka marxalad muhiim ah oo xirfaddiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here