Wararka cusub ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa sheegaya in Dani Carvajal uu heshiis afka ah la gaaray kooxda Getafe, si uu ugu biiro kooxda.
Carvajal ayaa la sheegay inuu ogolaaday heshiiska, iyadoo warbixinta arrintan ay hore u shaacisay wargeyska ABC, Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale dhameystiray baaritaanka caafimaadka, waxaana Getafe ay diyaar u tahay inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska waxaa hadda hortaagan oo keliya oggolaanshaha La Liga, iyadoo la sugayo in la xaqiijiyo in Getafe ay ku jirto xadka dhaqaalaha ee loo oggol yahay, iyadoo la tixgelinayo shuruucda Financial Fair Play.
Haddii La Liga ay bixiso oggolaanshaha, Getafe ayaa markaas si rasmi ah u shaacin doonta Dani Carvajal inuu yahay ciyaaryahan cusub oo kooxda ah.

