Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ku baaqay in Manchester City laga qaado koobabkii iyo biladihii ay ku guuleysatay muddadii ay baaritaanka ku socdeen, kadib markii kooxda lagu helay inay jebisay ku dhowaad dhammaan eedihii xeerarka maaliyadeed.
Ferdinand ayaa si gaar ah ugu baaqay in Tony Pulis, oo xilligaas tababare u ahaa Stoke City, loo tixgeliyo inuu helo billaddii FA Cup-ka 2011 haddii City laga xayuubiyo koobka, City ayaa finalka 1-0 kaga adkaatay Stoke, waxaana goolka dhaliyay Yaya Touré.
Sidoo kale Ferdinand wuxuu sheegay in haddii Manchester City laga qaado horyaaladii ay ku guuleysatay, Manchester United ay heli karto laba horyaal oo dheeraad ah, halka Liverpool ay heli karto mid ka mid ah horyaaladaas, Ferdinand oo ka hadlay podcast-kiisa ayaa si gaar ah ugu sheegay saaxiibkiisii hore ee Manchester City, Joleon Lescott, inuu u keeno billaddii Premier League haddii horyaalka laga qaado City.
Manchester City ayaa wali sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka, iyadoo ciqaabta kama dambaysta ah aan weli la shaacin.

