DAAWO:- Messi oo gool ka dhaliyay kulankiisii ugu dambeeyay ee Argentina, xaflad weynna loo sameeyay

0

Lionel Messi ayaa si cajiib ah ugu soo xiray waayihiisa xulka Argentina, kaddib markii uu gool dhaliyay kulankiisii ugu dambeeyay ee uu xirtay funaanadda xulka, iyadoo Argentina ay kulan saaxiibtinimo la ciyaartay Benin.

Messi oo kulankan ku ciyaarayay jawi qiiro leh kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, ayaa daqiiqaddii 71-aad dhaliyay goolka saddexaad ee Argentina, isagoo rigoore u dhaliyay.

Advertisment

Markii kubaddu shabaqa gashay, garoonka waxaa qabsaday dabaaldegyo waaweyn, iyadoo taageerayaashu si xooggan ugu dhawaaqayeen magaca Messi, iyagoo xusaya kabtankooda oo ciyaaraya kulankiisii ugu dambeeyay, Messi kuma ekaan inuu gool dhaliyo oo keliya, balse wuxuu sidoo kale door weyn ku lahaa labada gool ee kale ee Argentina, Wuxuu laba caawin (assists) sameeyay, isagoo kubadda u dhigay Nicolás Otamendi iyo Nico Paz.

Caawintiisii ugu horreysay waxay timid daqiiqaddii 48-aad, halka midda labaad ay timid daqiiqaddii 61-aad, Sidaas darteed, Messi wuxuu si toos ah uga qayb qaatay saddexda gool ee Argentina kulankan, isagoo hal gool dhaliyay, laba kalena sameeyay.

Kulanka ayaa ahaa mid xusuus gaar ah leh tan iyo bilowgiisii. Messi ayaa ilmeynayay xilli la qaadayay heesta qaranka Argentina, iyadoo qoyskiisuna ay goob joog ka ahaayeen munaasabadda, Taageerayaashu waxay sidoo kale sameeyeen xushmad gaar ah markii ciyaartu gaartay daqiiqaddii 10-aad, iyagoo istaagay kuna sacbinayay Messi, taasoo astaan u ahayd lambarka 10-aad ee uu caanka ku yahay.

Kulankii Argentina iyo Benin ayaa sidaas ku noqday habeen isku dhex jira kubad, dabaaldeg iyo sagootin, iyadoo Messi uu si gaar ah uga tagay xulka Argentina isagoo gool dhaliyay, laba goolna caawiyay, Waxay ahayd habeen ay taageerayaasha Argentina muddo dheer xusuusan doonaan, maadaama uu ahaa muuqaalka ugu dambeeyay ee Messi isagoo xiran funaanadda qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here