Bayern Iyo Inter Oo Doonaya Xiddig U Ciyaara Man United.

Bayern Munich iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga Manchester United Bruno Fernandes xagaagan.

29-sano jirkaan ayaa ahaa xiddig aad u wanaagsan Red Devils tan iyo markii uu Old Trafford kaga soo biiray kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon bishii Janaayo 2020.

Muddo 4 Sano ah Fernandes ayaa ciyaaray 230 kulan isagoo shabaqa soo taabtay 79 jeer isla markaana kooxda ka caawiyay inay ku guulaysato Hal koob.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, waxaa jira xiiso weyn oo ka imaanaya kooxo waaweyn Oo reer yurub ah.

Wargayska ayaa sheegaya in kooxaha Inter iyo Bayern Munich doonayaan saxiixa xiddiga reer Portugal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga