Barcelona Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Mikel Arteta.

Agaasimaha ciyaaraha Barcelona Deco ayaa soo jeediyay tababaraha Arsenal Mikel Arteta inuusan ahayn bartilmaameed macmuul ah si uu u badalo Xavi.

Kooxda reer Catalan ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka La Liga, waxayna wajihi doontaa PSG wareega 8da ee Champions League, inkastoo Xavi uu doortay inuu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Deco oo uu weheliyo madaxweyne Joan Laporta ayaa mas’uul ka noqon doona raadinta beddelka, waxaana lala xiriirinayay magacyo badan tan iyo markii Xavi uu ku dhawaaqay go’aankiisa bishii January.

Mid ka mid ah ragga sida weyn ugu tartamaya shaxdan waa Arteta, kaasoo ka soo baxay akadeemiyada Barca, isla markaana Arsenal ku hogaamiyay kaalinta koowaad ee Premier League, halka tababaraha PSG Luis Enrique la rumeysan yahay inuu doorbidayo Deco.

Inkasta oo ciyaaryahankii hore ee Portugal uu qarin kari waayay jeceylka uu u qabo Luis Enrique, waxa uu ka fogeeyay Barcelona inay u dhaqaaqdo Arteta.

Deco ayaa yiri: ‘Wali wax go’aan lagama gaarin, laakiin waanu feejigannahay”.

“Dabcan waxaa i soo jiitay Luis Enrique, waa tababare sare”

Sida iska cad waad qadarin kartaa tababarayaasha sare sida Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp sidoo kale, laakiin lama heli karo. Sida Mikel Arteta, Andoni Iraola iyo Sergio Conceicao sidoo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga