Arteta Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Bukayo Saka & Gabriel Martinelli

Kooxda Arsenal ayaa ka wal-walsan xaalada Bukayo Saka & Gabriel Martinelli kadib markii ay xasuuqeen kooxda Sheffield United.

Arsenal ayaa 6-0 ku garaacday Bramall Lane habeenkii isniintii.

Inkasta oo ay natiijo fiican heleen hadana kooxda ayaa ka walaasan xaalada labada xiddig ee garabka uga ciyaara ee Bukayo Saka & Gabriel Martinelli.

Labada xiddig ayaa dhaawac uga baxay kulanka kadib markii ay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigeen kulanka.

Mikel Arteta ayaa cadeeyay arimaha ciyaarta kadib, waxay umuuqataa war wanaagsan labada ciyaaryahan.

“Saka waxa uu dareemayay xoogaa jirro. Sidoo kale waxaan heysanaa Fabio Vieira oo aan u baahanahay in aan daqiiqado siiyo”ayuu Arteta yidhi.

“Arrin yar oo dhibaato ah ayaa soo gaadhay Martinelli, dhaawac yar ayaa ka soo gaadhay lugta, waxan u baahanahay in aan eegno xaaladiisa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga