Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Real Madrid.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa si dhab ah u waayi doona mid ka mid ah ciyaartoydiisa khadka dhexe ah kulanka Arbacada ee lugta labaad ee Champions League ee Real Madrid, sida lagu sheegay wararka.

Gunners ayaa kaliya u baahan in ay ka fogaato in laga badiyo si ay uGu gudubto wareega xiga ee tartanka champions League.

Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa lumisay xiddig muhiim u ah kooxda ka hor kulanka Real Madrid ee champions League.

Arsenal ayaa lumisay xiddiga Khadka dhexe ee Thomas Partey kaas oo ku dhaawacmay kulankii Brentford ee premier League sabtidii.

Thomas Partey – oo dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankii Brenftord laakiin waxa uu ciyaarta ka baxay kadib dhaawac soo gaadhay.

Haatan, The Mirror ayaa sheegeysa in Jorginho uu hubaal ka maqnaan doono kooxda Arsenal ee u safraysa Bernabeu, isagoo laga helay dhaawac laabta ah ka dib barbarihii ay la galeen Brentford.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga