Arsenal, Liverpool Mise Man City? Luis Enrique Oo Shaaciyay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Luis Enrique ayaa doonaya Ninka ay isku dalka yihiin ee Mikel Arteta uu ku guulaysto horyaalka premier League laakiin iskama indha-tiri karo kooxda difaacanaysa koobka ee Manchester City.

Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo farqiga goolasha kaga horeeya Liverpool halka ay hal dhibic ka horayso Man City.

“Waxan jecelahay in uu Mikel Arteta ku guulaysto horyaalka kulana guulaysto Arsenal”ayuu Enrique yidhi.

“Haddii kale, waxaan jeclaan lahaa inuu Pep Guardiola ku guulaysto ama kooxda Aston Villa iyo Unia Emery”ayuu sii raaciyay.

“Laakiin waxaan qabaa in Manchester City ay ku guuleysan doonto, waa kuwa ugu cadcad fikradeyda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga