Alexander-Arnold, Rodrygo, Kimmich & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah ula socota xaalada Trent Alexander-Arnold kaas oo uu heshiiskiisa Liverpool dhacayo 2025 (Relevo).

Ciyaartoyga kale ee Real Madrid ay jeceshahay ayaa ah xiddiga kooxda Lille ee Leny Yoro laakiin madaxda kooxda ayaa isku khilaafay inay u dhaqaaqaan xagaagan iyo in kale (ESPN).

Rodrygo ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Real Madrid usbuucyadii dhawaa. Manchester City ayaa diyaar u ah inay Julian Alvarez u soo bandhigto Real si ay u hesho xiddiga reer Brazil (Defensa Central).

Barcelona ayaa laga yaabaa in ay guuldaro ka qirato loolanka loogu jiro saxiixa Joshua Kimmich sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale (Sport).

Xiddiga diirada u saaran Liverpool Teun Koopmeiners ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka tago Atalanta dhamaadka xilli ciyaareedkan (Metro).

Arsenal ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato Goolhayaha Real Madrid ee Andriy Lunin kaas oo qaab ciyaareed wacan soo bandhigay maqnaanshaha Thibout Courtois ee Real Madrid (Defensa Central).

Man United ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka Casemiro waxana ay xiddiga Wolves ee Joao Gomes u arkaan badalkiisa (Mirror).

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay u ogolaato daafacii hore ee Cameroon Joel Matip, 32, qadka dhexe ee Spain Thiago Alcantara, 32, iyo goolhayaha Spain Adrian, 37, inay ka tagaan xagaagan (Football Insider).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga