Aaron Ramsdale Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Heshiis La Gaadhay Kooxda Premier League

Goolhayaha kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu haatanba ogolaaday heshiis uu ugu biirayo kooxda Newcastle United xagaagan.

Ramsdale ayaa labadiisii xilli ciyaareed ee ugu horeysay ku qaatay Waqooyiga London isagoo ahaa goolhayaha koowaad ee Arsenal, ka hor inta uusan David Raya amaah kaga imaan Brentford xagaagii hore.

Goolhayaha reer England ayaa booskiisa u waayay Goolhaye David Raya waxana lala xidhiidhinayay In uu isaga tagayo kooxda Arsenal si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaaro.

Waxa xalay Soo baxay warar sheegaya in uu Ramsdale haatanba heshiis la gaadhay Newcastle si uu ugu Biiro kooxda suuqa Xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Goolhayaha ayaa baraha bulshada kaga Jawaabay wararkaas.

Ramsdale ayaa boggiisa Twitter haatanba ah “X” ayaa Qoray”Arintaas War ayay igu tahay” isaga Oo u jeeda in uuna waxba ka ogayn arintaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga