Hadii uusan Madaxwareerkiisa xun lahaan laheyn & xooga nasiib daro ah , waxaan heli laheyn isagoo tartan adag kula jira labada xidig Messi & Ronaldo carshiga kubadda dahabka sanad kasta , isagu waa Neymar JR , willka Samba ee kayimid wadooyinka & dulrrdka SaoPolo ee faqriga ah, si uu unoqdo mid kamid ah mawaahiibta ugu muhiimsan ay dhashay Dhulka Marakana , Muuqaalkan waxaan idin kusoo gudbin doonnaa nolosha gaarka ee Naymar da silva , dhalashadiisa & bar baaristiisa, kabad baadistiisa geeri , waakuma hooyada dhashay canugiisa , fashilkii kubiiristiisa Westham, riyadiisa Real Madrid , kaqeyb galkiisa musalsal tv , eedeeyntii Kufsigiisa, intaasi & kabadan waxaan si wadajir ah ugu baran doonaa xubintan oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina kooxda.com Fadlan nala aqriso Maqaalkan.
Neymar da silva Santos JR waxa uu ku dhashay 5tii bishii febraayo 1992, dowladaha hoose Muji dos krozi ee katirsan magaalada Saopaolo , hooyadii waxaa lagu magacaabaa Nadin Santos waa guri joogto , amaa waalidkii waxaa lagu magacaabaa Neymar Santos , waxa uu ahaa laacib kubadda cagta lkn maxaqiijin caanimo baahsan , waxaana uu ku qasbanaaday inuu iska casilo sababo ku aadan shil gaari oo halis badnaa kadib 4 bil kaliya dhalashadii Neymar , waxa uu lakulmay dhaawacyo qeybo kamid ah jirkiisa gaaray arinta layaabka aheyd waxa ay aheyd in canugan neymar uusaarnaa kuraasta dambe ee gaariga intii uu dhacayey shilka lkn waa uu ka bad baaday waliba si layaab leh , sida ay ku warameen dhamaan dadkii arkay gaariga kadib shilka , qoyska neymar waxa ay marayeen heer dhaqaale oo hooseeya , waana waxa ku riixay aabaha inuu ka shaqeeyo 3 shaqo oo kala duwan waxaana uuka leeyahay aabaha neymar:- “kahor dhalashada neymar maheysan dhaqaale aan raajiyo ku saarno , si aan uga wal wal la’aano , maalmo badan ayaana nasoo maray iyadoo guriga koronto la’aan yahay .
Neymar waxa uu muujiyey mowhibad kubadeed oo cajiib ah yaraantiisii , waxa uu labilaabay ciyaarista kubadda cagta saaxiibadiisa wadooyinka Brazil, mararka qaarkii waxa uu ciyaari kulamo kubadaha saaladaha , waxa uu ku caanbaxay mowhibadiisa aan la joojin karin , & xirfadiisa khayaaliga ah , waana waxa u gudbiyey 7jirkiisii naadiga Porto Giza Celticista ee wiilasha 1999, waxaana kooxda uula joogay ilaa sanadkii 2003, si uu ugu biiro kadib naadiga Santos cumrigiisana uu ahaa 11sano , halkaasi waxa uu isaga dambeeyey heerarka kala duwan ilaa lagu soo daray kooxda 1aad sanadkii 2009, sanadkii xigay naadiga West ham ee dalka Ingiriiska ayaa isku dayday iney lasoo wareegto , ficil ahaan labada dhinac waa isku afgarteen heshiiska in ladhameeyo kahor inta aysan Santos ka laaban taasoo go’aansatay iney xafidato mowhuubkan yar oo isagu sii watay horumarkiisa intaasi kadib ilaa uu ku biiray sanadkii 2013 Kooxda barcelona kadibna Paris Sant German Heshiis ka yeelay kii ugu qaalisanaa Ebid qiimo dhan 222 milyan oo yuro .
Markii uu Neymar kasoo muuqday markii ugu horeysay sanadkii 2013 isagoo wata canugiisa Davi Luka camerooyinka Hortooda , waxaa dhalatay hadal heyn badan , dadka intooda badan waxa ay isku raaceen canuga inuu dhalay mid kamid ah laacibiinta Barcelona oo aan aheyn neymar gaar ahaan warbaahinta oo aan waxbadan ka garaneynin canuga & hooyadii kahor inta aysan kala cadaanin maadaama Neymar inuu aabe unoqday canugiisa Luka waqtigii uu joogay Santos waxa uu waqtigaasi jiray 19 sano waxaana canugiisa kaliga ah loogu dhalay sanadkii 2013 magaalada Saopalo ee dalka Brrazil , waxaana canugiisa hooyo u ah saaxiibtiisii hore & gabadha jilaaga Brazilianka Carolina Dantas kahor inta aysan kala tagooda iclaamin kadib dhalashada canugooda , sanadkii 2013 Braziliankan ayaa galay cilaaqad jaceel isagoo lasameeyey xiriir gabar fashionka sameysa taasoo lagu magacaab Rona Markizen lkn cilaaqadaasi ayaa laba jeer lagu kalatagay marka hore waxa ay aheyd bartamihii sanadkii 2017 marka labaadna waxa ay aheyd dhamaadka sanadkii hore .
Intii uu Neymar la joogay Xulka Samba ee kayar 16kasano xarun tababar oo ku taala Spain sanadkii 2008, Jariirada Marca ayaa wareysi lasameysay waxaana laweydiiyey kooxda uu ku riyoonayo waxaana uu yiri :- “Real Madrid waa naadiga Riyadeyda” waxaa xusid mudan riyadaasi iney rumowdo ay suuragal aheyd markii uu neymar jiray da’day 14ka sano , waxa uu waqti lajoogay naadiga Real , kan dambena diyaar ayey u aheyd iney lasoo wareegto lkn gudoomiyihii Santos ayaa diiday , waxaana dalab uweyn usoo bandhigay waalidka neymar si uu ugusoo noqdo mowhuubkan yar Santos , sanadkii 2012 naadiga Marenge ayaa marka usoo laabatay laacibka si ay umuujiyo xiisaha ay uqabto xidiga xitaa waxa ay udirtay dhaqtar kagudbiya tijaabada caafimaadka lkn heshiiska waa fashilmay ugu dambeyn waxa uu ka fadilay inuu aado kooxda cadaawada yihiin ee barcelona sanadkii xigay.
Bisha Marso sanadkasta waxaa wax iska dabiici noqotay inaan aragno neymar oo kafog garoomada kubadda cagta sabab uun , ha ahaato dhaawac ama ganaax , arinka waa uusoo noq noqday sanadihii lasoo dhaafay waliba xiriir sida iney tahay lacnad ceyrsaneysa lkn farqiga ayaa ah iney kusoo beegmeyso dhalashada walaashiisa Rafaela kaasoo siweyn ugu tacaluqo , waana waxa keenay infaraha lagu fiiqo oo la tuhmo weeraryahanka Selicao , waxaana faafay warar ah hadii uusan dhaawac lakulmin waqtigaasi , isaga ayaa sheeganaya dhaawac ama waxa uu ugu talagalayaa ganaax si uu uxaadiro dhalashada walaashii , ma aha marna wax dabiici ah in Barcelona uukaga maqnaado marso 2015 ganaax & 2016 isla sababtaasi & 2017 ayuu uu ku maqnaa dhaawac , sidoo kale marnaashaha ayaa socday sanadihii 2018 & 2019 naadiga Sant German isla waqtigaa .
Mid kamid ah kulamadiisa naadiga Santos neymar ayaa doonay inuu tuuro gool ku laad ay heshay kooxda lkn tababare Donivan jr ayaa diiday waxa uuna u ogolaaday laacib kale inuu tuuro , waa aykacday carada neymar waxaana uu weydaartay kalmado xun uu ku bahdilayo tabbaraha , waana waxa keenay in kan dambe laga reebo kulankii xigay ee Crothians , waana go’aankii aylaqi waayeen maamulka kooxda taasoo go’aamisay in cancelo heshiiska tababaraha , geesta kale kubiiritaanka neymar ee Barcelona 2013 ayaa dhaliyey dood badan kadib markii si hoose loo baahiyey in madaxweyne Sandro Rosel madaxweynhii waqtigaasi Barcelona uu isdaba mariyey uu isbadamarin sameeyey hehsiiska neymar, ficil ahaan waxaa cadaatay iney jiraan xad gudubyo ku aadan qiimaha xaqiiqda ah ee laacibka si naadiga nafsadeeda ku qasbanaato iney xilka kaqaado Sandro Rosel kuna badasho kuxigeenkiisa Josep Maria bartameo .
Neymar waa mid kamid ah laacibiinta ugu dakhliga badan caalamka waana waxa ku cad nolosha laacibka banaanka garoonka , waxa uu guryo badan ku leeyahay dalka Brazil waxaana ugu weyn qasrigiisa cajiibka ah ee dhaca deegaanka Mangaratipa ee magaalada Rio de Janero kaasoo ku dhexyaala garoon teniska ah, Jazkuzi , saalo ciyaaraha , garoon kubadda cagta & wabyaabo kale , halka uu leeyahay 10 gaari oo nooca tamashleynta ah kuwaas oo qiimahooda sare u dhaafaya 5 milyan oo doolar , lagu daray diyaarad gaar ah , doon nooca dalxiiska ah oo ku asteysan magaca hooyadii, xiligan waxa uu ku noolyahay qasri quruxbadan oo ku yaala deegaanka Bujifal duleedka Paris kaas oo uu ku kireeyoo 15 kun oo Uero , waxaana qasrigaasi uu ka kooban yahay dabaqa hoose waxa ku yaala goob lagu dabaasho , garaash , qeyb korontada ama dabaqyada kale waxa ay koobayaan wax kasta oo tamashleynta quseeya.
Nyemar waxa uu heystaa diinta masiixiyadda , waxaana lagu cabiraa kuwa cishqiga uhayaha shaabadaha waxa uu leeyahay Brazilianka inkabadan 10 shaabadood meelo kala duwan oo jirkiisa ah waxaana ugu weyn taariikhda dhalashada canugiisa , & shaabad kale oo xambaarsan sawirka walaashii , marka laga hadlayo waxbaaha uu jecelyahay banaanka garoonka waxa uu kuwaalan yahay musica, si uu waqtigiisa oo idil uuku qaato isagoo dhageysanaya heesaha Brazil, Neymar dhawaan waxa uu kasoo muuqday qeybo kamid ah musalsalka Spanishka caank ahaa ee Lacaza dipapel, waxaana cajiibka ahaa inuu ciyaaray doorka wadaad aan jecleyn kubadda cagta & xafladaha , marka laga hadlayo kan uu ku daydo , hore ayuu uga hadlay Braziliankan isagoo leh :- ” markii aan yaraa Robinho ayaa ahaa kan aan ku dayan jiray kubadda cagta lkn maqarsan sida uu ulacajabay Portuqaaleeskan Ronaldo isagoo tilmaamaya in cilaaqad saaxiibtinimo oo xoogan aykulmineyso marwalibana uu doonayo inuu maro wadadiisa waxaana neyamr uu leeyahay: -” Ronaldo waa mid kamid ah kuwa ugu fiican caalamka marwaliba waxaan hamiyaa sidii aan isaga ula mid noqon lahaa & SIda Lionel messi ” , ama kii ugu fiicnaa ee uu wajaho waxa uu doortay hoogamiye Sergieo Ramos , xusuustiisii ugu fiicneyd kubadda cagta waxa uu doortay guushii ciyaaraha Olompiyaadka ee Brazil & Remontadadii Barcelona ay ku sameysay Paris Santi German sanadkii 2017 kaasoo isagu halyeeygeda uu ahaa .
Mondiyaalkii 2014 ee Brazil Neymar waxa uu lakulmay dhaawac xoogan oo neefta kuxiray daawadayaasha kubadda cagta caalamka , Juan Zomiga laacibka xulka Colombia ayaa jilibkiisa dhabarka kaga dhuftay intii lagu guda jiray kulankii rubuc dhamaadka , falkaasi ayaa neymar kusigay inuu haleelo shalal kaasoo soo afmeeri lahaa waayihiisa kubadda cagta wado aad uxun kadib markii uu kajabay mid kamid ah lafaha ayka kooban tahay lafdhabarta , lkn qadarta ayaa raxiim u aheyd , warbixinadii caafimaadka waxa ay tilmaameen in dhowr milimitir ay ujirtay lafdhabarta halkii uuka asiibmay , laba bil kadib neymar waa uu ka caafimaaday dhaawaca waana soo laabtay si uu usii wato waayihiisa.
Bilo yar kahor gabar Brazilian ah oo lagu magacaabo Nagila Trindad ayaa ku eedeysay fal kufsi ah hotel ku yaala Paris, gabadha ayaa sheegtay iney Neymar iska barteen baraha xiriirka bulshada , uguna yeeray iney Paris usoo safarto si ay ula kulanto umuurtana bilowgii waxa ay aheyd labada dhinac , lkn markii sheekada leysku fahmi waayey neymar waxa uu noqday mid dagaalamaya isla markaana waxa uu ugeystay kufsi , waxaa lahelay muuqay ila wareedyada ay isku raaceen in gabadha ay aheyd qofkii bixiyey , waxey soo muuqatay iyadoo garaaceysa Neymar kahor inta uusan si daran ugu jawaab celin lkn neymar dhamaan eedahaasi waa uu beeniyey , waxa uu cabiray in video gaasi uu ahaa mid looga dan lahaa in lagu handado , sidoo kale waxa uu faafiyey fariimo ay isku dhaafsadeen barnaamijka Whs upka gabadhaasi , waxaana qoraalka uumuujinayey in gabadha ay doontay in cilaaqad ayla sameyso Neymar qaab toos ah, todobaadyo dheer oo baaris ayka socdeen maxkamadaha Brazil neymar waalabari yeelay , waana la xiray qadiyadda cadeyn la’aan aawadeed
Advertisment

