Warbixin cusub oo ku saleysan qiimeynta suuqa ee Transfermarkt ayaa muujineysa in Bayern Munich ay si weyn ugu badan tahay liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu qiimaha badan Bundesliga.
Xiddiga Bayern ee Michael Olise ayaa hoggaaminaya qiimeynta isagoo gaaray €180 milyan, waxaana ku xiga Alexander Pavlovic (€90m) iyo Jamal Musiala (€80m).
Waxaa liiska sidoo kale ku jira xiddiga reer Morocco Ismael Saibari, kaasoo qiimihiisa suuqa lagu qiyaasay €55 milyan, wuxuuna kaalinta 9-aad la wadaagayaa daafaca Borussia Dortmund Nico Schlotterbeck.
10-ka ugu qaalisan:
- Michael Olise – Bayern – €180m
- Alexander Pavlovic – Bayern – €90m
- Jamal Musiala – Bayern – €80m
- Dayot Upamecano – Bayern – €75m
- Luis Diaz – Bayern – €70m
- Felix Nmecha – Dortmund – €65m
- Lennart Karl – Bayern – €60m
- Harry Kane – Bayern – €60m
- Ismael Saibari – Bayern – €55m
- Nico Schlotterbeck – Dortmund – €55m
Liiska ayaa muujinaya awoodda Bayern Munich ee Bundesliga, iyadoo 8 ka mid ah 10-ka ciyaaryahan ay u ciyaaraan kooxda Bavaria, halka Dortmund ay leedahay labada ciyaaryahan ee kale.
Qiimayaashan waa qiyaasta qiimaha suuqa, mana aha lacagta ay kooxuhu khasab ahaan ku iibsanayaan ciyaartoydan.

