Khilaafkii sharci ee muddo socday ee u dhexeeyay xiddiga Real Madrid Kylian Mbappé iyo kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ayaa lasoo gabagabeeyay, kadib markii dacwad uu ciyaaryahanku gudbiyay la xareeyay sababo la xiriira caddeymo aan ku filnayn, Sida ay wararku sheegayaan, wargeyska Mundo Deportivo, oo soo xiganaya warbaahinta Faransiiska, ayaa sheegay in hay’adaha garsoorka ay go’aansadeen in la xiro dacwaddii Mbappé uu sanadkii hore ka gudbiyay PSG.
Dacwadda ayaa kusoo beegantay xilli uu jiray khilaaf dhaqaale oo u dhexeeyay Mbappé iyo PSG, kaasoo la xiriiray lacagihii iyo gunnooyinkii ka harsanaa heshiiskii ciyaaryahanka, Qareennada Mbappé ayaa markii hore gudbiyay dacwadda, balse markii dambe waa laga noqday. Si kastaba, baaritaanka ayaa sii socday maadaama uu horey u billowday.
Dacwadda waxaa qayb ka ahaa eedeymo la xiriiray cadaadis iyo dhibaato maskaxeed, kuwaas oo la sheegay inay ka dhasheen go’aankii PSG ay Mbappé uga saartay kooxda koowaad bilowgii xilli ciyaareedkii 2022/23, Arrintaasi waxay dhacday kadib markii Mbappé uu diiday inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogo.
PSG ayaa xilligaas isku dayday inay ciyaaryahanka ku cadaadiso inuu qandaraaska cusbooneysiiyo ama uu kooxda ka tago, iyadoo kooxda ay dooneysay inay ka hesho lacag badan haddii uu baxayo, Mbappé ayaa diiday dalabkaas, waxaana markii dambe dib loogu soo celiyay kooxda koowaad.
Khilaafka waxaa sii adkeeyay lacag ay PSG ka joojisay Mbappé oo ka mid ahayd mushaharkiisa iyo gunnooyinkiisa, Kooxdu waxay ku dooday inay arrimahaas la xiriireen heshiis afka ah oo horey loogu gaaray madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi, balse Mbappé ayaa arrintaas ka horyimid, Khilaafka sharci ayaa si rasmi ah u xoogaystay May 2025, waxaana uu lahaa dhowr waddo oo sharciyeed, oo ay ku jirtay dacwadda la xiriirtay cadaadiska maskaxeed.
Warbixintu waxay sheegaysaa in kadib markii dacwaddii ugu dambeysay la xareeyay, dhammaan khilaafaadkii sharci ee u dhexeeyay Mbappé iyo PSG ay hadda soo dhammaadeen, Mbappé ayaa hadda ka tirsan Real Madrid, halka xiriirkii muranka badan dhaliyay ee uu la lahaa PSG uu si rasmi ah ugu muuqdo inuu galay marxalad cusub oo aan maxkamaduhu sii dhex joogin.

