Xulka Azzuri oo soo bandhigay wacdaro barbarana ku celiyey France

0

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa barbaro 1-1 ah la galay xulka Faransiiska, kulan ka tirsanaa wareegga saddexaad ee heerka group-yada UEFA Nations League 2027, kaas oo habeenkii Jimcaha lagu ciyaaray garoonka Stade de France.

Ciyaarta ayaa ahayd mid labada xul ay si weyn ugu loollamayeen, iyadoo Faransiisku qeybtii hore lahaa inta badan kubadda. Xulka martida loo ahaa ayaa haystay 66% kubad haysashada, balse fursadaha gool dhalintu ma aysan badnaan, Talyaaniga ayaa daqiiqaddii 41-aad helay gool, laakiin farxaddii Azzurri ma aysan sii socon, maadaama goolka laga diiday sababo la xiriira offside uu ku jiray Moise Kean. Labada koox ayaa qeybtii hore ku kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Advertisment

Markii qeybtii labaad la bilaabay, Faransiiska ayaa ugu dambeyn helay goolkii furitaanka. Daqiiqaddii 56-aad, xiddiga Michael Olise ayaa si qurux badan u dhaliyay laad xor ah, kubaddana waxay si toos ah u gashay shabaqa iyadoo goolhaye Gianluigi Donnarumma uu awoodi waayay inuu wax ka qabto.

Talyaaniga ayaa si degdeg ah uga jawaabay goolkaas, waxaana daqiiqaddii 69-aad u suurtagashay inay helaan goolka barbaraha. Alessandro Bastoni ayaa ka faa’iideystay qalad ay sameeyeen ciyaartoyda Faransiiska, isagoo kubadda ku tuuray shabaqa goolhaye Mike Maignan.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayaa xaaladdu sii adkaatay, waxaana Faransiiska lagu qasbay inay ciyaarta ku dhammeystaan 10 ciyaaryahan kadib markii daafaca Dayot Upamecano uu helay kaarka jaalaha labaad, taasoo keentay in laga saaro garoonka daqiiqaddii 85-aad.

Ugu dambeyn, labada xul ayaa ku kala baxay 1-1, iyadoo mid kasta uu helay hal dhibic.

Natiijadan waxay Faransiiska gaarsiisay 7 dhibcood, iyagoo hoggaanka Group A ku jira, halka Talyaanigu uu gaaray 4 dhibcood, kuna jiro kaalinta saddexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here