Maxaa ka cusub dhaawaca Raphinha & Wararkii ugudambeeyey baaritaanka

0

Xiddiga reer Brazil ee Raphinha, oo u ciyaara kooxda Barcelona, ayaa dib ugu laabtay magaalada Barcelona kaddib markii uu ka baxay xerada xulka qaranka Brazil sababo la xiriira dhaawac soo gaaray, Raphinha ayaa dhaawac ku soo gaaray kulankii saaxiibtinimo ee Brazil ay la ciyaartay Australia, kaasoo Brazil ku badisay 4-2.

Ciyaaryahanka Barcelona ayaa kulankaas ku soo bilowday safka hore, waxaana uu sidoo kale xirtay calaamadda kabtannimada Brazil, iyadoo Marquinhos uu kulanka ka maqnaa, Si kastaba, Raphinha ayaa laga saaray ciyaarta qeybtii hore, iyadoo markii dambe Xiriirka Kubadda Cagta Brazil uu sheegay in ciyaaryahanka uu dareemay dhibaato ama daal muruqa ah.

Advertisment

Warbaahinta Sport ee Catalonia ayaa sheegtay in Raphinha uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Barcelona, iyadoo kooxda iyo ciyaaryahanka ay si ula kac ah u doonayeen in safarkiisa loo sameeyo si deggen oo aan loo abuurin buuq warbaahineed.

Hadda, dhammaan indhaha ayaa ku jeeda baaritaanka caafimaad ee Raphinha, kaasoo la qorsheeyay in la sameeyo maalinta Jimcaha.

Baaritaanka ayaa lagu ogaan doonaa heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca iyo muddada uu ciyaaryahanku garoomada ka maqnaan karo.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in gudaha Barcelona ay ka jirto rajo wanaagsan, iyadoo kooxda ay rajeynayso in dhibaatadu ku koobnaato bararka muruqa bowdada midig ee ay horay u ogaadeen dhakhaatiirta xulka Brazil, islamarkaana uusan jirin dhaawac kale oo ka culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here