Walaasha Ronaldo oo mar kale weerartay: “Khiyaanadu waa saxan qabow, sidaad yeeshana waa laguu yeelaa”

0

Walaasha Cristiano Ronaldo, Elma Aveiro, ayaa mar kale hadal ay dad badan ku fasirteen inuu la xiriiri karo xiisadda ka dhex taagan xiddiga reer Portugal iyo tababaraha xulka, Jorge Jesus, ku daabacday baraha bulshada.

Xiisaddan ayaa soo xoogeysatay kaddib markii Ronaldo uu kursiga keydka ku jiray intii lagu jiray kulankii Portugal iyo Norway ee Axaddii, iyadoo go’aankaas uu qaatay tababare Jorge Jesus, Ronaldo oo aan ciyaarta soo gelin ayaa la sheegay inuu ka carooday go’aanka tababaraha, waxaana markii dambe kulan dhex maray Ronaldo, Jorge Jesus iyo madaxda xiriirka kubadda cagta Portugal, iyadoo dhinacyadu isku dayeen inay xalliyaan khilaafka.

Advertisment

Hase yeeshee, saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ku faafay muuqaal muujinaya Ronaldo oo ka baxaya xarunta tababarka xulka Portugal, kaddib shir jaraa’id oo uu qabtay Jorge Jesus.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo Ronaldo uu sidoo kale bartiisa Instagram-ka ku daabacay bayaan xooggan oo loo fasirtay inuu tilmaamayo suurtagalnimada inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah.

Intaas kaddib, walaashiis Elma Aveiro ayaa iyaduna Instagram-ka ku qortay fariin kooban oo hadal-heyn badan dhalisay, Waxay tiri: “Khiyaanadu waa saxan qabow, sidaad yeeshana waa laguu yeelaa, waddada keliya ee jirtaana waa inaad hore u eegto oo aad sii waddo.”

 

Elma si toos ah uma magacaabin qofka ama cidda ay fariinteeda ula jeeddo. Hase yeeshee, waqtiga ay fariinta soo dhigtay iyo xiisadda ka dhex taagan Ronaldo iyo xulka Portugal ayaa sababtay in hadalkeeda lala xiriiriyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Dhanka kale, Portugal ayaa maanta oo Khamiis ah la ciyaari doonta Denmark, kulan ka tirsan wareegga saddexaad ee tartanka Nations League, iyadoo indhaha lagu hayo xaaladda Ronaldo iyo mustaqbalkiisa xulka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here