
Kusoo dhawaada Kooxda.com, waxaan si toos ah idiinkusoo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyadoo kooxaha waaweyn ee Yurub ay durba qorsheynayaan dhaq-dhaqaaqyada ay sameyn doonaan.
Wararkii maanta waxaa kamid ah xiisaha Liverpool ee Kevin Schade, mustaqbalka Erling Haaland iyo Phil Foden, iyo sidoo kale kooxaha doonaya Giorgio Scalvini, Dodo iyo Yankuba Minteh.
Advertisment
Haddaba, aan idiin soo gudbino dhammaan wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga.
- Liverpool ayaa noqotay koox si dhab ah ugu jirta tartanka saxiixa Kevin Schade, oo 24 jir ah, kana tirsan Brentford iyo xulka Germany. Weeraryahanka ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Manchester United.
Xigasho: Teamtalk - Barcelona ayaa xaqiijisay inay isku dayday inay xagaagii la soo saxiixato weeraryahanka Argentina iyo Inter Milan ee Lautaro Martinez, balse ay ku guuldarreysatay.
Xigasho: Fichajes - Real Madrid iyo Barcelona ayaa labaduba isha ku haya weeraryahanka Manchester City iyo xulka Norway ee Erling Haaland. Labada kooxood ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin inay dhaqaaqaan haddii fursad ay ku heli karaan ay soo baxdo.
Xigasho: The Sun - Bayern Munich ayaa xiisaynaysa inay la soo saxiixato Phil Foden, haddii 26-jirka reer England uu ka tagi karo Manchester City.
Xigasho: Teamtalk - Daafaca Atalanta iyo xulka Italy Giorgio Scalvini, oo 22 jir ah, ayaa doonaya inuu mustaqbalka waayo-aragnimo ka helo ciyaaraha dibadda. Newcastle iyo Chelsea ayaa hore u muujiyay xiisaha ay u qabaan.
Xigasho: Football Italia - Nottingham Forest, Roma iyo Napoli ayaa dhammaantood xiisaynaya daafaca garabka ee Brazil Dodo, 27 jir ah. Waxaa la filayaa inuu ka tago Fiorentina bisha Janaayo, iyadoo dhowr kooxood ay doonayaan saxiixiisa.
Xigasho: La Gazzetta dello Sport - Garabka Brighton iyo xulka Gambia Yankuba Minteh, oo 22 jir ah, ayaa weli doonaya inuu ku biiro Liverpool, kaddib markii uu fashilmay isku daygii ay kooxdu xagaagii ku doonaysay saxiixiisa.
Xigasho: GiveMeSport
