Walaasha xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, Elma Aveiro, ayaa si kulul uga hadashay xaaladdii dhawaan ka dhex dhalatay walaalkeed iyo tababaraha xulka Portugal, Jorge Jesus, iyadoo si gaar ah u dhaliishay sida loola dhaqmay kabtanka xulka.
Khilaafkan ayaa soo shaac baxay kadib markii Cristiano Ronaldo uu ciyaarta Portugal iyo Norway ku daawaday kursiga keydka, iyadoo Jorge Jesus uu go’aansaday inuusan ciyaarta soo gelin. Go’aankaas ayaa la sheegay inuu ka careysiiyay kabtanka Portugal.
Kadib dhacdadaas, Ronaldo ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal iyo tababare Jorge Jesus, waxaana la sheegay in dhinacyadu ay isku dayeen inay soo afjaraan khilaafkii ka dhashay go’aankii tababaraha, Si kastaba ha ahaatee, saacado kadib waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinaya Ronaldo oo ka baxaya xerada tababarka xulka Portugal, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Jorge Jesus.
Ronaldo ayaa sidoo kale qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram-ka kaga hadlay xaaladda, waxaana hadalladiisa loo fasirtay inay muujinayaan inuu ka fikirayo mustaqbalka uu ku leeyahay xulka qaranka Portugal , Arrintan ayaa keentay in walaashiis Elma Aveiro ay si adag uga hadasho xaaladda. Waxay sheegtay in Cristiano Ronaldo uu mudnaa ixtiraam ka badan kii loo muujiyay, iyadoo sidoo kale ku doodday in xulka Portugal uu u baahan yahay nidaam iyo qaab-dhismeed ka wanaagsan kan hadda jira.
Elma ayaa sidoo kale dhaliishay warbaahinta Portugal, iyadoo sheegtay inay ahayd inay muujiso xirfad iyo masuuliyad dheeraad ah, isla markaana ay ka fogaato faafinta wararka xanta ah, Laakiin hadalka ugu kulul ee walaasha Ronaldo wuxuu ku wajahnaa shacabka Portugal. Waxay sheegtay in dadka Portugal ay yihiin kuwo xaasidnimo iyo isla weyni leh, iyadoo hadal aad u adag ku dartay inay mudan yihiin inay dib ugu noqdaan heerkii hoose ee kubadda cagta ee dalka ka jiray ka hor imaatinkii Cristiano Ronaldo.
Elma Aveiro ayaa markii dambe qoraalkaas mar kale ku wadaagtay Instagram Story, iyadoo aan wax faallo dheer ah ku darin, balse ku qortay eray kooban oo ahaa: “Wax walba waa la sheegay”, Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli indhaha lagu hayo xiriirka ka dhexeeya Cristiano Ronaldo iyo xulka Portugal, gaar ahaan iyadoo xulka uu isku diyaarinayo kulamada soo socda ee tartanka Nations League.


