Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uu ka baxay xerada xulka qaranka Portugal.
War-saxaafadeedka xulka Portugal ayaa lagu sheegay:- “Cristiano Ronaldo wuxuu ka baxay xerada xulka qaranka.”
Xulka Portugal ayaa sidoo kale sheegay in diyaargarowga kulamada soo socda uu sii socon doono, iyadoo kooxda ay hadda ka kooban tahay 24 ciyaaryahan.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray:- “Diyaargarowgayaga kulamada soo socda wuu sii soconayaa, iyadoo 24-ka ciyaaryahan ay si buuxda diiradda u saarayaan natiijooyinka.”
Go’aankan ayaa yimid xilli Ronaldo uu isaguna shaaciyay inuu ka baxay xerada Portugal, isagoo sheegay inuu waqti dambe faahfaahin ka bixin doono sababaha dhabta ah ee uu uga baxay xulka, Ronaldo hadda kama mid aha 24-ka ciyaaryahan ee sii wada diyaar-garowga Portugal ee kulamada soo socda.

