Real Madrid oo qorsheynaya inay lawareegto xidig katirsan si bilaash ah & Wararkii

0

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso inay xagaaga dambe la soo wareegto kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, iyadoo kooxda reer Spain ay qorsheyneyso inay mar kale Anfield ka qaadato ciyaaryahan heshiiskiisu dhacayo.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Real Madrid ay Van Dijk u aragto mid kamid ah xulashooyinkeeda ka hor xagaaga 2027, xilli qandaraaska daafaca reer Netherlands uu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, Real Madrid ayaa horey Liverpool uga qaadatay Trent Alexander-Arnold sanadkii 2025, iyadoo ciyaaryahanka uu ku biiray kooxda reer Spain markii uu heshiiskiisii Liverpool dhacay.

Advertisment

Xagaagii 2026-na waxaa Real Madrid si bilaash ah ugu biiray daafaca kale ee Liverpool, Ibrahima Konaté, kaasoo sidoo kale heshiiskiisu ku ekaaday Anfield.

Haddii Van Dijk uu ka tago Liverpool isagoo heshiiskiisu dhacay, Real Madrid ayaa sidaas ku yeelan karta saddex ciyaaryahan oo hore Liverpool uga tirsanaa, kuwaas oo dhammaantood ugu biiray kooxda Madrid iyagoo aan laga bixin lacag transfer ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here