Daaficii hore ee Manchester United, Matteo Darmian, ayaa wajahaya fursad uu dib ugu soo laaban karo ciyaaraha heerka sare, kaddib markii kooxda Bologna ay siisay fursad uu tijaabo kaga bilaabi karo tababarka kooxda, Darmian oo 36 jir ah ayaa xagaagan ka tagay Inter Milan, isagoo noqday ciyaaryahan xor ah, waxaana muddooyinkii dambe la hadal hayay inuu soo afjari karo xirfaddiisa ciyaareed.
Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in Bologna ay hadda Darmian siisay fursad uu kooxda kula tababarto, kaddib dhaawac soo gaaray daafaca garabka ka ciyaara ee Emil Holm, kaasoo la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo ku dhow afar bilood, Sida uu qoray wariyaha suuqa kala iibsiga ee Gianluca Di Marzio, Darmian ayaa si dhow u bilaabi doona tababarka Bologna, iyadoo kooxda ay marka hore qiimeyn doonto xaaladdiisa jireed iyo heerka uu ku sugan yahay kadib bilo uu ciyaar la’aan ahaa.
Darmian wuxuu Manchester United ku biiray sanadkii 2015, isagoo kasoo dhaqaaqay Torino, wuxuuna kooxda ka ciyaaray afar sano, Intii uu joogay Old Trafford, wuxuu saftay 92 kulan tartamada oo dhan, isagoo kula guuleystay Manchester United FA Cup, League Cup iyo Europa League.
Sanadkii 2019 ayuu Manchester United ka tagay, kaddib markii uu kooxda ku biiray Aaron Wan-Bissaka, halka Diogo Dalot uu sidoo kale booskiisa kula tartamay, Darmian ayaa markaas ku biiray Parma, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Inter Milan, halkaas oo uu muddo shan sano ah kusoo qaatay.
Inter ayuu kula guuleystay 3 horyaal oo Serie A ah iyo 3 Coppa Italia, waxaana sidoo kale uu kooxda la gaaray finalka Champions League labo jeer, Si kastaba, dhaawacyo ayaa saameeyay xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Inter, waxaana xilli ciyaareedkii 2025/26 uu saftay kaliya 9 kulan tartamada oo dhan.
Darmian ayaa xagaagii sidoo kale lala xiriiriyay kooxo ay kamid yihiin Udinese, Monza iyo Venezia, halka Inter ay xitaa u bandhigi kartay fursad uu kooxda uga sii shaqeeyo dhinaca tababarka.
Hadda waxaa la sugayaa in Darmian uu ku qanciyo Bologna inta lagu guda jiro tijaabada, kadibna kooxda ay go’aan ka gaarto inay si rasmi ah heshiis ula saxiixato.
Bologna ayaa iyaduna u baahan xoojin, iyadoo shantii kulan ee ugu horreeyay Serie A ka heshay 2 dhibcood oo keliya, waxayna ku jirtaa kaalinta 18-aad ee horyaalka.

