Madaxweynaha Real Madrid Perez oo Maxakamad lasoo taagayo & Barcelona oo hal arin ka dalbatay ?

0

Khilaafka u dhexeeya Barcelona iyo Real Madrid ayaa galay marxalad sharci ah, kadib markii maxkamad ku taalla Spain ay u qabatay labada dhinac kulan heshiisiin ah oo dhici doona 25-ka November 2026, Kulanka ayaa ah tallaabo ka horreysa dacwad rasmi ah oo Barcelona ay ku hanjabtay inay ka gudbin doonto Florentino Perez, madaxweynaha Real Madrid, kadib hadallo uu hore uga sheegay kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa cabashadeeda gudbisay 12-kii June, iyadoo ka jawaabaysay hadallo Perez uu sheegay bishii May, kuwaas oo la xiriiray eedeymo uu u jeediyay Barcelona oo ku saabsan arrimo la xiriira go’aannada garsoorka, Hadallada Perez waxay sidoo kale taabanayeen Kiiska Negreira, oo ka dhashay lacagihii Barcelona la xiriiray José María Enríquez Negreira, oo hore u ahaa ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga farsamada garsoorayaasha Spain.

Advertisment

Barcelona ayaa si adag uga hortimid hadallada Perez, iyadoo ku doodday in qaar ka mid ah hadalladiisu ay yihiin kuwo been ah, dhaawacaya sumcadda kooxda, isla markaana sumcad-xumo u horseedaya Barcelona, Kooxda Barcelona ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee kulanka heshiisiintu ay tahay in Perez uu ka noqdo qaar ka mid ah hadalladii uu sheegay.

Barcelona waxay sidoo kale caddeysay in haddii kulanka 25-ka November lagu gaari waayo heshiis ama xal, ay si rasmi ah u sii wadi doonto dacwadda sumcad-dilista ah ee ay qorsheyneyso inay ka gudbiso madaxweynaha Real Madrid, Sidaas darteed, kulanka Madrid ka dhacaya ayaa noqonaya fursaddii ugu horreysay ee labada dhinac ay ku xallin karaan khilaafka ka hor inta aysan arrintu si buuxda u gelin maxkamad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here