Liverpool oo Noqotay dhibanaha ugu weyn ee kulamada Xulalka & Dhaawacyo badan ….

0

Liverpool ayaa noqotay kooxda Premier League ee ugu badan ee dhaqaale ahaan laga dareemayo dhaawacyada ciyaartoyda ka soo gaaray fasaxa xulalka.

Alexander Isak iyo Cody Gakpo ayaa dhaawacmay iyagoo waajibaad qaran ku jira, waxaana labada ciyaaryahan lagu qiyaasaa inay qaataan isku darkood £530,000 toddobaadkii, Isak, oo Liverpool ugu soo biiray £125 milyan, ayaa dhaawac bowdada ah ka soo gaaray xulka Sweden kadib markii uu 90 daqiiqo ciyaaray, isla markaana gool dhaliyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Romania. Wuxuu hadda kusoo laabtay Liverpool si loo qiimeeyo dhaawaciisa.

Advertisment

Gakpo ayaa isna dhaawac canqowga ah ku qaatay kulankii Netherlands ay 2-1 kaga adkaatay Serbia, waxaana laga saaray ciyaarta 17 daqiiqo kaddib. Waxaa lagu sameyn doonaa baaritaanno si loo ogaado heerka dhaawaca, Liverpool ayaa rajaynaysa in labada weeraryahan ay diyaar u noqdaan kulanka weyn ee ay Manchester City kula ciyaari doonaan Anfield 11-ka October.

Kooxo kale ayaa sidoo kale dhaawacyo kala kulmay fasaxa xulalka. Arsenal waxaa dhaawac muruqa ah kusoo laabtay Kai Havertz, halka Chelsea ay dhaawacyo kala kulantay Jamie Gittens iyo goolhaye Mike Penders.

Manchester United ayaa dhaawac ka walaacsan Patrick Dorgu, halka Aston Villa ay dhaawac ku weyday goolhaye Zion Suzuki.

Dhaawacyada xulalka iyo mushaharka ciyaartoyda:

  • Liverpool: £530,000 toddobaadkii
  • Arsenal: £280,000
  • Chelsea: £160,000
  • Sunderland: £115,000
  • Aston Villa: £110,000
  • Manchester United: £40,000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here