isagu waa hanse diter Flick waxaan idin kugu soo bandhigi doonaa , qisada ninka jarmalka , bilowgiisii kubada cagta, sida uu isugu badalay shaqaale banki & dukaanle ilaa kubada cagta, sirta is casilaadiisa waqti hore , sida uu u garaacay guardiola , sababtii uu uga tagay tababarka Bayern , sida uu dulmi uu ula kulmay klopp dartii ,
sirta daganaashihiisa yaabka leh & Cilaaqada xaaskiisa arinkaasi, qodob yaab leh oo kujira heshiiskiisa , doorashooyinkiisa laacibka ugu fiican taariikhda kubad acagta & tababaraha ugu fiican waqtigan , intaa & kabadan waxaan wada jir ugu baran doonaa xubinteena xaqiiqooyinka xidigaha oo hjad & jeer aad uga barateen barteena fadlan nala daawo muuqaalkan .
Magaciisa oo buuxa waa Hanse Ditter Flick maadaama uusan jecleyn in loogu yeero hanse diter waxa loogu yeeray naanteysta Hanse .
Flick waxa uu kudhashay 24 kii febraayo sanadkii 1965 magaalada haduberg eekoofurta dalka Jarmalka , waxa uu nasabsadaa aabihii & ganacsadaha guuleystay , halka hooyadii ay aheyd guri joogto ,
hanse waxa uu kubar baaray jaceelka kubada cagta , waxa uu taaggeere u ahaa bayern munich isagoo cishqi uhayey halyeygooda gerrad muller , kahor inta uusan bilaabin waayihiisa kubada cagta isagoo taageero ka helaya waalidiintiisa
waxa uu ka bilaabay naadiyo maxali ah inkastoo hadafka 1aad aysan u aheyn kubada cagta waxaana diirada uusaari jiray waxbarashada & shaqada kadib kaqalinjibintiisa jaamacada gaar ahaan kuliyadda technolijiyadda ,
5 jirkiisa ayuu bilaabay waayihiisa kubada cagta isagoo lagu biiriyey naadi maxali aheyd oo lagu magacaabayey lokinlokh sanadkii 1971 kadibna waxa uu uga sii wareegay nigarkimon 1976 waxa uu ku qaatay mudo 6 sano kadibna waxa uu uga sii wareegay naadiga sanhouzen isagoo jira 16 sano si uu uga gudbo heerka kala duwan ee kooxda ilaa lag asoo gaaro kooxda 1aad ,
intii uu kooxdaasi joogay hanse waa uu tababartay waxaana uu ka shaqeeyey mid kamdi ah bangiyada halkaasi , waxa uu dalab ka helay naadiga studgarrt waxa uu ku shardiyey inuu latababarandoono sidookalena uu wadan doono shaqada bangiga waana waxa ay diiday naadiga waxa uu ka leeyahay flick arinkaasi :-
“Waan doonay inaan soo gabagabeeyo joogitaankeyga bangiga lkn studgart waxa ay ii sheegeen hadii aan u saxiixo inaan uciyaari doono kooxda 2aad taasina ma sameynin , waxaana doonay inaan arin aan ku tiirsanaado waayo magaraneynin waqtiga aan ciyaarayo kubada cagta .
sanadkii 1985 waxa ay fursadu siisay inuu ku biiro kooxda bayern munich , waa uukubiiray waxaana uu u ciyaaray 5sano isagoo kula guuleystay 6 koob oo 4 koob oo kamid ah uu yahay Bundusliga kahor inta uusan ku biirin naadiga kolen islamarkaana uukala kulakulmay dhaawacyo taasoo ku riixday inuu gebi ahaanba soo gabagabeeyo waayihiisa caalamiga kubada cagta sanadkii 1993 waqtigaasiuujiray kaliya 28sano ,
markale ayuu kusoolaabtay cowska cagaaran & naadiga heerka hoose oo lagu magacaabayey Victoria bamenton amaa caalami ahaan fursadu umasaamixin matalida xulka 1aad ee mashaft waxaana ayku koobantay 2 kulan oo 18 jirada jarmalka.
waxa sii kordhay heerkiisa kubada cagta , mar dambena waxa uu dhistay guriisa gaarka ah isagoo guursatay sanadkii 1987 gabadha jaceelkeeda uuuku bar baaray ee Zilka , waxaana lamaanahan ay isu dhaleen Kathren & hana ,
intii uu joogay Kooxda Pamental waxa uu sidoo kale kashqeeyey xaga tababarka intii udhaxeysay sanadkii 1996 ilaa 2000 kadibna waxa uu tababaray Hoffenhein 2005 kahor inta uusan waqti kooban caawiye unoqon tababare tarapatoni gaar ahaan kooxda salsborg sanadkii 2006, kadibna tababare kuxigeen oo Yoakim Loff xulka jarmalka isla sanadkaasi ilaa dhamaadka mondiyaalkii dunida 2014 , kadibna madaxada ciyaaraha xulka jarmalka ilaa 2017 kadibna agaasime ciyaareed kooxda Hoffen hien ilaa sanadkii 2018,
sanadkii 2019 waxa uu caawi ugu noqday macalin Kovach kooxda bayern kadib xilka qaadista kan dambe isla sanadkaasi flick ayaa loo magacaabay tababare KMG gaar ah kaidbna mid joogta ah , waxana kooxda uula joogay ilaa sanadkii 2021,
kahor inta uusan uwareegin hogaaminta xulka jarmalka intii udhaxeysay 2021 ilaa 2023 .
sanad oo shaqo la aan ahaa waxa uu caalamka tababarka kasoo galay albaabka barcelona sanadkan .
Guulihiisa ugu waaweyn Hanse caalamka tababarka , waxa uu ahaa calamasaarkii 2014, mondiyaalki dunida ka ahaan caawiye lagu daray 6 leydii taariikhiga aheyd ee Bayern xili ciyaareedkii 2019-2020 taasoo laga marqaati kacay qaadashadiisa macalinka ugu fiican yurub & jarmalka .
halka uu flick leeyahay qaarkamdi ah rikoorada taariikhiga ah oo ay kamdi ah 22 guul ah asalka 25 kiisa kulan ee ugu horeeya macalinka kooxda bayern waana rikoorka cajiib ah oo uyaala kaasoo uukaga sara maray Pep Guardiola lagu daray guulihiisa 70 kulan asalka 86 kulan taaso uku hogaamiyey cel celisaan 81% waana mid uu kaga sareeyo tababare kasta oo soo maray kooxda bayern taariikhdeeda kubada cagta
faragelinta joogtada aheyd ee xasan saalah xamidij agaasimhii qeybta ciyaaraha kooxda , mamaulka naadiga oo maamulayey suuqa kala iibsida bayern lagu diray diritanka laacibiin qaar isagoo aan ogoleyn .
kama hakan tababrida xulka jarmalka talaabo ay aheyd raja beel , waqtigaasi waxa uu lakulmay 6 guuldaro & 7 barbaro & 12 guul guud ahan wadarta 25 kulan oo leyliyey xulka, fashilkiisii ugu weynaa xulka waxa uu ahaa markii wareega groupyada kaga baxay koobki dunida sanadkii 2022, si xilka looga qaado September 2023 markii 4 gool ay guuldaro kala kulmeen kulan saaxiibtinimo oo ay la lahaayeen Japan.
Flick wax auu lahaa dukaan lagu iibiyo dharka isboortiga kaasoo xambaarsanaa magaciisa flick, waxa ay maalgashteen isaga & xaaskiisa waqtigii uu iska siibay kabaha kubada cagta , markii uu qabtay Bayern isagoo jira 55 sano waxa uu qiray inuu dukaankaasi ka shaqeynayey 2 sano markii uu katagay xulka jarmalka Yuwakim Loff kaasoo caawiye u aha ,
waqtigaasi waxa uu galay tababaro badan isagoo macalimiin dhowr khibrado ka kororsaday , mar dambe waxa uu xiray dukaankaasi si uu ugu firaaqooyo dhinaciisa tababarka .
sanadkii 2020 Fifa waxey go’aansatay tababaraha ugu fiican dunida iney siiso Yorgen Klopp kadib markii Liverpool uuku hogaamiyey caleemasaarka Koobka premier League ga kadib maqnaasho socday 30 sano lkn inbadan oo kamid ah cushaaqda kubada cagta waxa ay u arkayeen inu mudnaa macalin hanse Flick kadib markii bayern uuku hogaamiyey 5 koob oo taariikhi aheyd kahor balantii abaalmarinta kaidbna waxa uu ku dhameystiray koobkii naadiyada dunida ,
kuwii ugu waaweynaa ee layaabay waxa kamid ah Poirtuqaaleeska Mourinho oo ku maadeystay go’aanka fifa waxa uu ka yiri #:- : ” Hadii Flick uuku guuleysto xili ciyaareed 7 koob laga yaabee inlasiiyo abaalmarinta kaliya waxa uuku guuleystay 5 koob uuku jiro dhagaweynaha champions league ga , waxa uu intaasi kudaray miskiinka flick waxa waajib ku aheyd inuu helo 2koob ama 3 kale uu laqaado bayern munich si uu ugu guuleysto , lagayaabee dariiqadan iney tahay wadada kaliya ,
Mar hadii uu la cajabsanaa Barcelona bal tababarka kooxda blugrana waxa uu ahaa riyo jarmalkan sida uu yiri markii uu usaxiixayey, sida ay sheegtay jariirada mundo Jarmalkan waxa uu iska diiday Chelsea si uu ubadalo Pochattino isagoo doorbiday inuu sugo kahor inta uusan qaadan go’aan kusaabsan mustaqbalkiisa ilaa barcelona ayka go’aamineyso mustaqbalka xavi taasoo ay sii kordhayeen wararka xilka qaadistiisa , si loo daba galo Hanze lana siiyo heshiis gaaryaa ilaa 2026 & mushahar sanadeed leysku khilaafsan yahay qiimahiisa , sky Sports waxey ku qiimeysay 9 ilaa 11 milyan cagsiga jariirada sport waxey cadeysay inuuka badneyn 3 milyan kaliya waxaana so baxay warar sheegaya in sanadka 2aad ee heshiiska macalin hansse ay qeyb ka yihiin qodobo & ahdaaf laga rabo xaqiijintiisa sanadka 1aad , halka uu war layaab leh uulasoo baxay Wariyaha caanka ka ah catalnia ee Xavi Migel markii uu yiri Laporta ninkan waxa u arkaa KMG isla markaana uu usugayo macalimiin uukamid yahay Pep Guardiola ama wqtiga uu tababrka kusoolaabto Yorgen Klopp kadibna udhaqaaqida midkood .
Aragti ahaan Flick uma arko inuu jiro wax ka fiican Pele waxa uu ka yiri Garmalkan :- @Aniga xageyga Pele aya aha ki ugu fiicnaa welina kama zuulin waxa uu ahaa mid dhameystiran waxaan ausuurgal aheyd inuu sameeyo wax kasta , ama macalinka ugu fiican waqtigan waxa ka yiri Haze :-“Waan jecelahay Klopp ixitiraam badan baan u hayaa shaqadihii laso dhaafay waxa uu gaaray guulo balaaran lkn aniga xageyga Guardiola ayaa ah tababaraha ugu fiican caalamka.
Buug gaar ah uu qoray waxa uu cinwaan kaga dhigay waqti xaadirkan guulaha & quruxda & waxa ugu muhiimsan Noloshiisa waxa uuku kashifay xaaskiisa inuuku dhacay cudurka kansarka sanadkii 2010 lkn waxey ku guuleysatay iney kacaafimaado , waxaana uu cadeeyey maridii dhibaato tan lamid ah iney bartay jiraanka waxyaabo aad uga muhiimsan kubada cagta , tanina waxey fasir u tahay daganaashihiisa joogtada ah ha ahaado guushiisa goolal badan ama xita guuldaradiisa gaar ahaan waqqtigiisa Bayern waxa uu kaleeyahay Flick Markii xaaskeyga ayxanuunsatay waxaan dareemay cabsi daran oo ana hore u arag , galbihii waxaan ubartay jiifsada sariirteeda indhaheygana ay ilamada ayka qubaneyaan inkabadan iyada lkn waxaan la cajabay caziimadeeda & awoodeeda gudaha , halka aan bartay iney jiraan waxyaabo kamuhiimsan kubada cagta

