Lionel Messi ayaa sii wada bandhiggiisa cajiibka ah, isagoo afar gool oo laad xor ah (free-kick) dhaliyay toddobadii kulan ee ugu dambeysay ee uu u ciyaarayay Inter Miami, Xiddiga reer Argentina ayaa haatan laba gool oo free-kick ah u jira inuu gaaro 78 gool, taasoo ah tirada uu leeyahay Marcelino Carioca intii uu ku jiray xirfaddiisa ciyaareed.
Messi ayaa sidoo kale gool qurux badan ka dhaliyay Columbus Crew, laakiin Inter Miami ayaa ugu dambeyn laga adkaaday. Columbus Crew ayaa sameysay soo laabasho cajiib ah, waxaana Thiaré uu dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 98-aad, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.
Guushan ayaa Columbus Crew u ahayd markii labaad xilli ciyaareedkan oo ay laba kulan oo xiriir ah MLS-ka ku guuleysato, Sidoo kale, Crew ayaa afar dhibcood u soo jirsatay New York City FC oo ku jirta kaalinta sagaalaad ee Eastern Conference, taasoo kooxda u dhoweysay boosaska Playoffs-ka MLS Cup 2026.
Thiaré ayaa sheegay inuu doonayay inuu kooxdiisa siiyo tamar iyo dadaal dheeraad ah, isagoo sidoo kale amaanay taageerayaasha kooxda oo uu sheegay inay si joogto ah garabkooda u taagan yihiin.
Dhanka kale, tababaraha ku-meelgaarka ah ee Columbus Crew, Laurent Courtois, ayaa sheegay in guushu muhiim u ahayd kooxda, gaar ahaan ka hor fasaxa yar ee soo socda, Messi ayaa sidaas ku sii dhowaanaya rikoor kale oo shaqsi ah, iyadoo laba free-kick oo keliya ay ka xigaan inuu gaaro 78 gool.

