Barcelona ayaa heshay war wanaagsan iyadoo ciyaaryahankeeda Kareem Adeyemi uu si ka horreysa ciyaartoyda kale ama waqti hore ugu soo laabanayo kooxda, kadib markii uu soo dhammeystay waajibaadkiisii xulka qaranka Jarmalka.
Adeyemi ayaa ka qeyb qaatay labadii kulan ee Jarmalka intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, kuwaas oo ay la ciyaareen Netherlands iyo Greece, Kulankii ugu horreeyay, Jarmalka iyo Netherlands ayaa ku kala baxay 1-1, halka kulankii labaad ay Jarmalku guuldarro kala kulmeen Greece. Adeyemi ayaa labada kulanba ciyaaray, balse ma uusan dhalin wax gool ah, iyadoo uu sidoo kale iska lumiyay fursado dhowr ah.
Sida ay sheegtay warbaahinta Mundo Deportivo, Adeyemi looma qorsheyn inuu ka qeyb galo labada kulan ee xulka Jarmalka ee soo socda, taasoo ka dhigan in waajibaadkiisii caalamiga ahaa uu soo dhammaaday, Jarmalka ayaa xerada xulka ugu yeeray 44 ciyaaryahan, kuwaas oo loo kala qeybiyay laba kooxood. 24 ciyaaryahan ayaa ka qeyb qaatay labada kulan ee hore, halka 20-ka kale loo qorsheeyay kulamada dambe.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Adeyemi uu waqti hore ugu soo laaban doono Barcelona, taasoo fursad siinaysa tababare Hansi Flick inuu ciyaaryahanka si wanaagsan ugu diyaariyo kulamada kooxda, Warka ayaa sidoo kale yimid kadib markii Eric García uu isna Barcelona ugu soo laabtay waqti hore, kaddib markii uu xanuun ama raaxo-darro ka dareemay jilibka intii uu la joogay xulka Spain.

