Harry Kane oo ka hadlay doodda xiddigaha England ee ku saabsan xaaladda Manchester City

0

Kabtan Harry Kane ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha xulka England ay ka wada hadleen xaaladda sharci ee Manchester City, kadib markii kooxda lagu helay inay jebisay inta badan 115-ka xeer ee maaliyadeed ee lagu soo eedeeyay.

Wararka kasoo baxay Jimcihii ayaa sheegay in baaritaan muddo afar sano socday lagu ogaaday in Manchester City ay ku xadgudubtay xeerar badan oo la xiriira dhaqaalaha, gaar ahaan eedeymo ku saabsan dakhliga xayaysiisyada iyo habka loo maray xeerarka maaliyadeed intii u dhaxaysay 2009 iyo 2018, Arrintan ayaa soo baxday hal maalin ka hor kulankii England iyo Spain, kaasoo xulka Spain ku garaacay England 3-2 garoonka Wembley.

Advertisment

Kane, oo ciyaartaas rigoore qasaariyay, ayaa xaqiijiyay in arrinta Manchester City laga hadlay gudaha xerada England, balse wuxuu sheegay in ciyaartoydu isku dayeen inay kala saaraan arrimaha kooxaha iyo waajibaadka xulka.

Kane ayaa yiri: “Waxaa jiray dood ku saabsan arrintaas, laakiin marka aan la joogno England waxaan isku daynaa inaan kubadda cagta kooxaha dhinac iska dhigno, toddobaadkanina sidaas ayay ahayd.” Si kastaba, halyeeyga Manchester United iyo falanqeeyaha ITV, Roy Keane, ayaa qaba aragti ka duwan tan Kane.

Keane wuxuu sheegay in xaaladda Manchester City ay saameyn ku yeelan kartay ciyaartoyda xulka, isagoo tilmaamay khaladaadkii waaweynaa ee dhacay kulankii Spain, “Marka aad ciyaareyso kubadda cagta heerka ugu sarreeya, waxaad u baahan tahay inaad si buuxda u feejignaato, waxaana hubaal ah inay tani saameyn ku yeelatay,” ayuu yiri Keane.

Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan caadi ahayn in ciyaartoy heer caalami ah ay sameeyaan khaladaad badan, isagoo yiri xaaladda City ay qayb ka noqon karto waxa dhacay.

Tababaraha England, Thomas Tuchel, ayaa isaguna sheegay inuusan isagu u arkin arrinta Manchester City inay ahayd wax isaga mashquuliyay, balse uu fahmi karo in ciyaartoyda City ay si gaar ah uga hadleen.

Tuchel ayaa yiri: “Aniga ma ahayn wax iga mashquuliyay, laakiin waxaan qiyaasi karaa inay arrintani saameyn ku yeelatay ciyaartoyda Manchester City. Ciyaartoyda haysta waqti badan oo ay arrintan kaga fikiraan, waxaan hubaa inay ka hadleen.”

Ciqaabta rasmiga ah ee Manchester City weli lama shaacin. Haddii go’aanka la dhaqan geliyo, waxaa suuragal ah in kooxda lagu soo rogo dhibco laga jaro, ganaax aad u weyn ama xitaa laga saaro Premier League, iyadoo ku xiran go’aanka kama dambaysta ah.

Manchester City ayaa durba waddo rafcaan ah ka qaadaysa go’aanka, Dhanka kale, waxaa la sheegay in kooxo ka tirsan Premier League ay raadinayaan talo sharci oo ku saabsan suurtagalnimada in magdhow laga dalbado Manchester City, Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqotay kadib markii Everton ay £35 milyan ugu bixisay Burnley kiis dhaqaale oo la xiriiray xeerarka horyaalka, inkastoo kiiska Everton uu ahaa mid aad uga yar kan Manchester City lagu soo oogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here