Man Utd oo afduubaneysa saxiix €65milyanle ah kuna garaaceysa Barcelona waa kuma ?

0

Manchester United ayaa la sheegay inay u weecatay daafaca RB Leipzig ee Castello Lukeba, iyadoo kooxda ay dib u eegayso qorshaheeda suuqa kala iibsiga.

Lukeba, oo ah daafac dhexe oo Faransiis ah, ayaa United si weyn u xiisaynaysa, waxaana qiimihiisa lagu sheegay €60–65 milyan (£51.5–56m).

Advertisment

United ayaa horay u eegaysay daafacyo Premier League ka ciyaara sida Jarrad Branthwaite, Murillo iyo Micky van de Ven, balse warbixintu waxay sheegaysaa in qaar kamid ah ciyaartoydaas ay hadda adag tahay in la helo.

Dhanka weerarka, Brian Brobbey oo qaab ciyaareed fiican ku jira Sunderland ayaa kamid ah weeraryahannada United ay xiisaynayso. Si kastaba, Sunderland ayaa lagu soo warramayaa inay aysan doonayn inay iibiso Brobbey xilligan, maadaama ay u aragto qayb muhiim ah oo ka tirsan qorshaheeda mustaqbalka.

Brobbey waxaa lagu qiimeeyay ku dhawaad £50 milyan, balse Sunderland waxay dalban kartaa lacag ka badan haddii qaab ciyaareedkiisu sii wanaagsanaado.

Haddii United ay ku guuldarreysato inay hesho Brobbey, waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa Serhou Guirassy oo Borussia Dortmund ah iyo Jean-Philippe Mateta oo Crystal Palace ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here