Saacadihii u danbeeye War farxad weyn u ah taageerayaasha kubadda cagta, gaar ahaan taageerayaasha Lionel Messi iyo xulka Argentina, ayaa la xaqiijiyay kadib markii la shaaciyay in kabtankii Hore Ee Xulka Argentina Lionel Messi, uu ka soo muuqan doono kulanka weyn Ee sagootinta halyeeyga Carlos Tévez.
Saacadihii u danbeeye Akoonka rasmiga ah Ee ciyaarta sagootinta Carlos Tevez iyo akoonka gaarka ah Ee Tevez ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu xaqiijinayo in Lionel Messi uu ka soo qeyb geli doono ciyaarta sagootinta Tevez, taas oo ka dhici doonta garoonka Boca Juniors ee La Bombonera, 20-ka December. Bayaanka ayaa lagu sheegay inay sharaf weyn u tahay inay soo dhaweeyaan ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, munaasabadda Tevez ee loogu magac daray “Qoob-ka-ciyaarkiisii Ugu Dambeeyay.”
Bayaanka Rasmiga ah ayaa ahaa sidaan
“Waa kabtanka hoggaamiyay Argentina kuna guuleystay Copa América 2021, Koobka Adduunka 2022 ee Qatar iyo Copa América 2024.”
“Xirfaddiisa ciyaareed waa mid aan la mid ahayn ciyaartoydii kale Ee soo maray Dunida: siddeed abaalmarin oo Ballon d’Or ah, waqti taariikhi ah oo uu ku qaatay Barcelona, muddo uu joogay PSG, iyo hadda bog cusub oo uu ka furay Inter Miami CF. Waxaas oo dhan ka sarreeya, wuxuu matalaa rajadii jiil dhan oo muddo dheer sugayay inuu ugu dambeyn arko isagoo kor u qaadaya koobka Koobka Adduunka.”
Hadda, labadoodu waxay dib ugu kulmi doonaan habeen taariikhi ah. Sharaf weyn ayay noo noqon doontaa inaan ku soo dhaweyno ciyaaryahanka ugu fiican adduunka munaasabadda sagoo
Leo Messi, La Bombonera ayaa ku sugaysa!
Dhammaan dadka reer Argentina waxay doonayaan inay qeyb ka noqdaan habeenkan, adiguna si fudud uma maqnaan kartid!
__________________________
Messi ayaa garoonka caanka ah Ee La Bombonera dib ugu soo laaban doona 20-ka December, halkaas oo lagu qaban doono ciyaarta sagootinta Carlos Tévez.
Kulankani ayaa noqon doono munaasabad gaar ah oo lagu maamuusayo Tévez, laguna xasuusanayo waayihiisii quruxda badnaa Ee kubadda cagta.
Labadan halyeey waxay waqtiyo kala duwan ka wada tirsanaayeen xulka qaranka Argentina, iyagoo si wadajir ah u matalay dalkooda tartamo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Koobkii Adduunka 2010 iyo Copa América 2011. Sidaas darteed, dib ugu kulankooda garoonka La Bombonera wuxuu xambaarsan yahay xusuus iyo qiimo gaar ah.
Messi, oo hoggaamiyay Argentina kuna guuleystay Copa América 2021, Koobka Adduunka 2022 iyo Copa América 2024, ayaa mar kale fursad u heli doona inuu ka soo muuqdo garoonka La Bombonera, munaasabad lagu sagootinayo saaxiibkiisii hore Ee xulka qaranka.
Taageerayaasha kubadda cagta ayaa si weyn u sugaya habeenkan, maadaama ay fursad u noqon doonto inay mar kale arkaan Messi oo ka ciyaaraya garoon taariikhi ah, isla markaana ay goob joog ka noqdaan sagootinta ciyaaryahan magac weyn ku leh taariikhda kubadda cagta Argentina.
Haddaba, arrinta xiisaha leh waa tan… 👀
Dhinaca kale sida lawada ogsoonyahay, Halyeeyga Reer Portugal Ee Cristiano Ronaldo ayaa iska lagu casuumay kulankan soogootinta, balse weli lama xaqiijin inuu ka soo qeyb geli doono ciyaarta
Bal qiyaas Messi iyo Ronaldo oo hal koox wada ciyaaraya.

