FALANQAYN: Sidee Florian Wirtz si lama filaan ah ku noqday hal-abuurka ugu awoodda badan Premier League? — iyo Doorka xeeladaha qumman Ee Andoni Iraola

0

‎Kadib markii Florian Wirtz garoonka laga saaray wax ka badan saacad markii ay Liverpool guuldarro kala kulantay Manchester City bishii October, kaddib casaankii Ryan Gravenberch, Jamie Carragher ayaa mar kale muujiyay inuusan ku qanacsanayn ciyaaryahanka reer Germany.

‎“Waxaan qabaa inuu u baahan yahay in laga saaro kooxda, Markii hore ayaan sidaas u sheegay, haddana mar kale ayaan ku celinayaa.” sidaas ayuu yiri Carragher ciyaarta kaddib

Advertisment

‎Lix toddobaad kaddib, Wirtz wuxuu noqday xiddigii ugu muhiimsanaa Liverpool markii ay Manchester United afar gool ka dhaliyeen kulankii ugu horreeyay Ee Mauricio Pochettino uu hoggaamiyo kooxdaas. Wuxuu bandhiggiisa quruxda badan ku soo afjaray gool iyo caawin. Carragher ayaa goolkii quruxda badnaa ee uu Wirtz qeybtii hore dhaliyay ku tilmaamay “gool uu Dennis Bergkamp dhalin lahaa”.

‎Bandhiggaas, inkastoo uu ka hor yimid Manchester United oo aad u liidatay isla markaana 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay, wuxuu muujiyay in Wirtz ugu dambeyn diyaar u yahay inuu saameyn weyn ku yeesho kulamada waaweyn.

‎Muddo dheer sidaas ma ahayn. Carragher ma ahayn qof sidaas u arkayay, waxaana fikirkaas la qabay taageerayaal badan oo Liverpool ah. Waxaa jiray dareen ah in ciyaaryahankan farsamada wanaagsan leh uu ku fiicnaan karo Bundesliga oo ciyaarteedu ka gaabis badan tahay, ama Champions League, balse laga yaabo inuusan awoodin inuu si fiican uga dhex muuqdo kubadda adag Horyaalka Premier League.

‎Wirtz wuxuu xilli ciyaareedkii hore Premier League ka dhaliyay shan gool, wuxuuna sameeyay afar caawin. Xilli ciyaareedkan, ka hor kulankii Manchester City, wuxuu sameeyay hal caawin oo keliya.

‎Laakiin wixii intaas ka dambeeyay, xaaladdiisu si weyn ayay isu beddeshay. Wuxuu horyaalka EPL-ka ka sameeyay afar caawin iyo laba gool, halka Champions League uu ka dhaliyay hal gool isla markaana sameeyay hal caawin oo kale.

‎Waxay ahayd isbeddel weyn oo ugu dambeyn dhacay:

‎Tan iyo guuldarradii Manchester City, Wirtz wuxuu marar badan galay boosaska halista ah. Wuxuu kubado badan ku taabtay gudaha xerada ganaaxa kooxda kasoo horjeedda, wuxuu halkaas ka sameeyay laadad badan, wuxuu kubado badan u gudbiyay xerada ganaaxa, wuxuuna abuuray in ka badan laba jibbaar fursadihii uu hore u abuuri jiray.

‎Wirtz ayaa xilli ciyaareedkan abuuray 29 fursadood oo gool lagu dhalin karay, waana tirada ugu badan Ee Premier League. 20 ka mid ah fursadahaas wuxuu abuuray wixii ka dambeeyay kulankii Manchester City.

‎Ciyaaryahankii ugu dambeeyay Ee abuuray in ka badan 10 fursadood oo ciyaar socota ah, sida uu Wirtz ka sameeyay kulankii Manchester United, wuxuu ahaa David Silva sanadkii 2015.

‎Wirtz ayaa sidoo kale sagaal fursadood ka abuuray Brentford, taasoo ka dhigan inuu yahay ciyaaryahankii ugu horreeyay Ee Premier League laga diiwaangeliyo tan iyo xilli ciyaareedkii 2003-04 Ee laba kulan oo isku xilli ciyaareed ah ka abuura sagaal fursadood ama ka badan oo ciyaar socota ah.

‎DOOR INTEE LE’EG AYUU JURGEN KLOPP KU LAHAA ISBEDDELKA WIRTZ?

‎Aan arrintan si cad u kala saarno. Waxaa muuqata in Jurgen Klopp, tababarihii hore Ee Liverpool oo hadda hoggaamiya xulka qaranka Germany, uu door weyn ka qaatay inuu Wirtz dib ugu soo celiyo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa bilihii ugu dambeeyay.

‎Labadooda waxaa la sheegay inay aad isugu dhow yihiin, sida ay sheegayaan dadka sida dhow ula socda xulka qaranka Germany.

‎‎“Wirtz waa ciyaaryahan hibadiisu timaaddo hal mar qarni dhan,” ayuu Klopp sannadkii hore ka yiri ciyaaryahanka. Mar dambe wuxuu sidoo kale sheegay inuu la yaabay sida uu Wirtz u fiicnaa tababarkoodii ugu horreeyay.

‎Wirtz oo 23 jir ah ayaa sidoo kale arrintaas ku muujiyay garoomada, isagoo afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu Germany u ciyaaray dhaliyay afar gool isla markaana sameeyay hal caawin. Waxaa sidoo kale ku jiray laba gool oo uu toddobaadkii hore ka dhaliyay Netherlands.

‎Arrintan waxay dhalisay fikir ah in Klopp uu yahay qofka dib u furay awoodda Wirtz. Klopp dabcan wuxuu mudan yahay ammaanta, laakiin waxaa sidoo kale caawiyay inuu haysto xorriyadda uu Wirtz u baahan yahay: boos bannaan.

‎‎“Maxaan u baahanahay si aan u muujiyo qaab ciyaareedkayga ugu wanaagsan? Sida ugu habboon, waxaan u baahanahay boos badan kulan kasta si aan u sameeyo waxa aan doonayo!” ayuu Wirtz yiri kaddib markii uu gool dhaliyay isla markaana caawiyay goolkii kale kulankii Germany ay 2-0 kaga badisay Serbia bishii October.

‎Wuxuu hadalkaas ku sheegay isagoo kaftamaya oo qoslaya, laakiin run ayuu ka sheegay. Ciyaartoyda farsamada iyo hal-abuurka leh sida Wirtz waxay ku fiican yihiin marka ay helaan boos bannaan.

‎‎Wuxuu kubadda cagta caalamiga ah ka helay boos iyo xorriyad dheeraad ah, iyadoo Klopp uu xitaa ka ciyaarsiiyay booska weeraryahanka faalsada ah si uu u helo xorriyadda hal-abuurka Ee uu u baahan yahay.

‎Wuxuu hoggaamiyaa cadaadiska lagu saarayo kooxda kasoo horjeedda, halka ciyaartoyda khadka dhexe ee ka dambeeya ay qabtaan shaqada adag si uu Wirtz fursad ugu helo inuu bandhiggiisa muujiyo.

‎Bandhigyadii uu u sameeyay xulkiisa qaranka ayaa kor u qaaday kalsoonidiisa, laakiin cadaalad darro ayay noqon lahayd in la yiraahdo xeeladaha Klopp ayaa ah kuwa uu hadda Andoni Iraola ku dayanayo.

‎‎WIRTZ WUXUU MAR WALBA AHAA CIYAARYAHAN UU IRAOLA RABAY:

‎‎Inkasta oo Liverpool iyo Germany ay ciyaaraan kubad isku dhow, haddana aad ayay uga adag tahay in ciyaartoyda xorriyad la siiyo marka ay ciyaarayaan kulamada Horyaalka Premier League.

‎Laakiin haddii uu jiro tababare awood u lahaa inuu Wirtz u helo hab uu si fiican ugu ciyaaro, wuxuu ahaa Andoni Iraola.

‎‎Arne Slot marnaba ma uusan helin hab uu arrintaas ku xalliyo. Dhammaadkii waqtigiisa, Wirtz wuxuu ka ciyaarsiiyay khadka dhexe Ee weerarka, labada garab iyo xitaa weerarka dhexe. Waxay ahayd xaalad uu xallin kari waayay.

‎‎Kooxdii Bournemouth Ee uu Iraola hoggaaminayay waxay ka mid ahayd kooxaha ugu shaqada badan uguna cadaadiska badan horyaalka, balse nidaamkiisu wuxuu weli u oggolaanayay ciyaartoyda sida Justin Kluivert iyo Junior Kroupi inay abuuraan fursado, isla markaana u dhaqaaqaan boosaska bannaan si ay u maamulaan weerarka.

‎‎Dhanka Iraola, Wirtz ayaa mar walba ahaa ciyaaryahanka uu doonayay. Xiddiga reer Germany wuxuu ku soo bilowday dhammaan kulamada horyaalka, isagoo dhammaantood ka ciyaarayay booska No.10.

‎‎Wuxuu mar walba hormuud ka ahaa shaqada difaaca marka aysan kooxdu kubadda haysan. Saddex ciyaaryahan oo keliya ayaa xilli ciyaareedkan ka badan inta uu isagu kubadda uga soo ceshaday kooxda kasoo horjeedda qeybta ugu dambeysa ee garoonka.

‎‎Iraola wuxuu sidoo kale helay habab kala duwan oo uu kubadda ugu soo saaro awoodda Wirtz. Kulankii Brentford, wuxuu Rio Ngumoha gudaha ugu soo wareejiyay si uu ugu ciyaaro meel u dhow Wirtz, taasoo abuurtay boos uu Wirtz kaga caawiyay Liverpool goolkeedii barbaraha.

‎‎In Alexis Mac Allister uu ka ciyaaro gadaashiisa waxay Wirtz u oggolaanaysaa inuu diiradda saaro hal-abuurka weerarka, halka Dominik Szoboszlai uu sidoo kale si muuqata uga ciyaarayay meel ka hooseysa booskiisii hore tan iyo markii uu dhaawaca kasoo laabtay.

‎Andoni Iraola ayaa Wirtz ku soo bilaabay dhammaan kulamada horyaalka, isagoo mar kasta ka ciyaarsiinayay booska No.10.

‎ISKAASHIGA ISAK IYO WIRTZ OO BILAABAY INUU MIRADHAL NOQDO:

‎Szoboszlai kaligiis ma ahayn ciyaaryahanka caawinaya Wirtz. Arrin kale oo ka caawisay Wirtz ciyaarihii xulka Germany waxay ahayd inuu garab ciyaaro weeraryahanno jecel inay dib ugu soo laabtaan khadka dhexe, sida Kai Havertz iyo Nick Woltemade, taasoo u abuureysa boos uu Wirtz weerarka ugu dhaqaaqo.

‎Toddobaadyadii ugu dambeeyay, gaar ahaan kulankii Manchester United, weeraryahanka Liverpool Alexander Isak ayaa sidoo kale bilaabay inuu sidaas oo kale sameeyo… Waxay ahayd dhaqaaqii Isak ee sidaas sameeyay kaasoo horseeday goolkii Wirtz.

‎‎Isak ayaa dib ugu soo laabtay khadka dhexe, kubadda ayuu u dhiibay Rio Ngumoha oo garabka joogay, halka Wirtz uu si degdeg ah ugu orday xerada ganaaxa si uu u dhammeystiro kubaddii loo soo qaaday.

‎‎Isak oo kubadda haysta ayaa dib ugu soo laabtay khadka dhexe, wuxuuna kubadda u gudbiyay Ngumoha ka hor inta uusan Wirtz dhalin goolkii Manchester United.

‎‎Isak ayaa inta badan xilli ciyaareedkii hore ku maqnaa dhaawac, balse qaab ciyaareedkiisa guud ayaa si ka wanaagsan ula jaanqaadaya qaabka Wirtz u ciyaaro marka loo eego weeraryahannadii inta badan garabkiisa ka ciyaarayay xilli ciyaareedkii 2025-26, oo uu ku jiray Hugo Ekitike.

‎CIYAARTOYDA WEERARKA KU TAAGEERTA FLORIAN WIRTZ:

‎Mid ka mid ah waxyaabihii ugu halista badnaa ee lagu yaqaanay Bournemouth-kii Iraola waxay ahayd sida degdegga ah ee ciyaartoydu ugu soo hormari jireen marka ay weerarka qaadayaan.

‎Kooxdiisa Liverpool ayaa hadda bilaabaysa inay sidaas oo kale sameyso, taasoo ka caawinaysa Wirtz inuu muujiyo awooddiisa ugu wanaagsan.

‎Xilli ciyaareedkii hore, markii Slot uu kooxda hoggaaminayay, ciyaartoyda sida Cody Gakpo iyo Mohamed Salah waxay inta badan gudaha ugu soo dhaqaaqi jireen halkii ay si degdeg ah ugu ordi lahaayeen garbaha weerarka.

‎Milos Kerkez, oo ka mid ahaa daafacyada garbaha ugu weerarka badan horyaalka xilligii uu Iraola ka joogay Bournemouth, isaguna sidaas oo kale uma ciyaari jirin xilligii Slot… ‎Hadda garbaha weerarka ee Liverpool si weyn ayay hore ugu ordayaan.

‎‎Xilli ciyaareedkan, Liverpool oo uu hoggaaminayo Iraola waxay celcelis ahaan sameyneysaa weerarro degdeg ah oo badan iyo laadad badan oo ka dhasha weerarradaas marka loo eego xilli ciyaareedyadii uu Slot ama xitaa Klopp kooxda hoggaaminayay.

‎‎Wirtz ayaa xilli ciyaareedkan isku dayay toddoba kubadood oo difaaca kala jebinaya, waana mid ka mid ah tirakoobyada ugu sarreeya horyaalka… Gaar ahaan wixii ka dambeeyay kulankii Manchester City, wuxuu bilaabay inuu kubado halis ah u gudbiyo gudaha xerada ganaaxa.

‎Wirtz wuxuu fursado abuurayay lixdii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedka, laakiin in yar oo ka mid ah ayaa ahaa kubado si toos ah u dhex marayay difaaca una gudbayay gudaha xerada ganaaxa.

‎‎Tirada fursadaha uu abuuray shantii kulan ee ugu dambeysay, tan iyo guuldarradii Manchester City, waxay muujineysaa sida uu kubadaha ugu gudbinayo boosaska halista ah.

‎Bradley Barcola, oo si tartiib tartiib ah ula qabsanaya kooxdiisa tan iyo markii uu heshiis £123 milyan ah kaga soo biiray, ayaa si weyn uga caawiyay Wirtz.

‎20-ka fursadood ee uu Wirtz ka abuuray ciyaarta socota tan iyo kulankii Manchester City, rubuc ka mid ah wuxuu u abuuray Barcola.

‎‎Inuu helo ciyaartoy garbaha ka ordaya sida Barcola iyo Ngumoha ayaa si weyn u caawinaya xiddiga reer Germany.

‎Markii uu Wirtz kubadda hore ula dhaqaaqayay kulankii Manchester United, waxaa hortiisa ku ordayay saddex ciyaaryahan, xitaa Szoboszlai ayaa hore u soo ordayay… ‎Wirtz wuxuu haystay xulashooyin badan oo uu kubadda u gudbin karo, ugu dambeyntiina wuxuu Isak siiyay kubad wanaagsan oo fursad gool dhalin ah noqotay.

‎Liverpool waxay kulankii Manchester United lahayd ciyaartoy garbaha ka soo ordayay, taasoo Wirtz ka caawisay inuu abuuro fursado isla markaana kala jebiyo difaaca kooxda kasoo horjeedda.

‎‎Khariidadda muujineysa celceliska boosaska ciyaartoyda Liverpool ee kulankaas ayaa caddeyneysa sida ay garbaha weerarka iyo Kerkez ugu ciyaarayeen meelaha sare ee garoonka, inkasta oo ay tahay in la xuso in Manchester United ay inta badan kulanka ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan.

‎‎Wirtz hore ayuu u soo maray waqti qaab ciyaareedkiisu sidan oo kale u fiicnaa, qiyaastii xilligan oo kale sannadkii hore. Intii u dhexeysay December iyo January, wuxuu dhaliyay afar gool oo horyaalka ah, wuxuuna sameeyay saddex caawin, kaddib markii uusan wax gool ama caawin ah sameyn ilaa waqtigaas.

‎‎Laakiin markan waxaa jira dareen ah in kalsoonidiisa ay sii kordheyso, maadaama uu haysto tababarayaal kooxda iyo xulka qarankaba jooga oo doonaya inay u ciyaaraan qaab ku habboon awooddiisa.

‎Waxaa laga yaabaa in markan uu sii wato bandhigyadiisa wanaagsan halkii uu mar kale hoos ugu dhici lahaa.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here