Wararka ayaa sheegaya in kooxda Liverpool ay Hada si dhab ah u danaynayso inay dib ula soo saxiixato daafaca xulka qaranka England Ee Jarell Quansah, kaasoo ay kala soo wareegi karto kooxda Bayer Leverkusen sanadka 2027.
Quansah ayaa ku soo barbaaray nidaamka dhalinyarada Ee Liverpool, waxaana loo arkayay xiddig mustaqbalka wax weyn ka tari kara kooxdiisii yaraantiisa.
Tababarihii hore Ee sida weyn loo jeclaa Macalin Jurgen Klopp, ayaa fursaddii ugu horreysay Ee kooxda koowaad siiyay daafacan boosaska kala duwan ka ciyaari kara, balse booskiisa ayaa hoos uga dhacay kala sarreynta ciyaartoyda markii uu yimid Arne Slot, waxaana la iibiyay suuqa kala iibsiga xagaagii 2025.
Liverpool ayaa Quansah ka iibisay Bayer Leverkusen lacag ku dhow £35 milyan, heshiiskaas oo sidoo kale lagu daray qodob siinaya Liverpool fursad ay mustaqbalka dib ugula soo wareegto.
Tallaabadan ayaa si weyn u caawisay ciyaaryahanka oo 23 jir ah, kaasoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda sida wanaagsan uga dhex muuqda Bayer Leverkusen tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, sidoo kalena noqday ciyaaryahan joogto uga tirsan xulka qaranka England.
Quansah ayaa sidoo kale bilihii ugu dambeeyay si weyn loola xiriirinayay inuu dib ugu soo laaban karo Horyaalka Premier League, iyadoo Liverpool iyo kooxo kale lala xiriirinayay daafacan.
Daafaca Liverpool ayaa weli u baahan horumar ka hor sanadka 2027, taas oo qayb ahaan sabab u tahay in kabtanka kooxda, Virgil van Dijk, uu ku jiro sannadkii ugu dambeeyay Ee qandaraaskiisa, isla markaana uu kooxda ka tagi karo dhammaadka xilli ciyaareedkan Hadii aan Heshiis cusub oo muddo labo sano ana Hak sano kale laga saxiixan.
Reds ayaa suuqyadii kala iibsiga Ee ugu dambeeyay la soo saxiixatay Jeremy Jacquet iyo Giovanni Leoni, balse waxay u baahan doonaan daafac dhexe oo kale haddii Van Dijk uu kooxda ka tago sanadka soo socda, Quansah-na wuxuu noqon karaa mid ka mid ah xulashooyinka ay heli karaan.
Mowqifka Liverpool Ee ku aaddan dib ula soo saxiixashada Jarell Quansah oo la shaaciyay:
Wargeyska TEAMtalk oo ah wargeys kawaranta wararka kubada cagta warbaahineed ayaa sheegtay in qodobka Liverpool u oggolaanaya inay dib ula soo saxiixato Quansah uu yahay £50 milyan, isla markaana uu sii shaqeyn doono ilaa sanadka 2027.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Liverpool ay si dhab ah u doonayso dib ula soo saxiixashada Quansah, ayna weli si dhow ula socoto xaaladdiisa, isla markaana aysan meesha ka saarin inay dhaqaajiso qodobka dib ula soo wareegashada si ay daafacan ugu soo celiso Anfield sanadka 2027.
Liverpool ayaa sidoo kale heshiiska Ronald Araujo Ee Barcelona ka dhigi karta mid rasmi ah, iyadoo ku iibsan karta £47 milyan, maadaama uu ciyaaryahanku ka sarre maray wixii laga filayay bilowga xilli ciyaareedkan.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Liverpool ay qorsheyneyso inay sanadka 2027 heshiisyo u dhaqaaqdo labada daafac.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay:
“Waaxda suuqa kala iibsiga Ee Liverpool ayaa si joogto ah ula socotay Quansah, oo hore uga soo baxay akadeemiyadda kooxda, muddadii uu joogay Jarmalka, iyadoo ay aad ula dhaceen horumarka dhinaca jirkiisa iyo sida deggan ee uu kubadda ula ciyaaro marka uu wajahayo kooxaha heerka sare.”
“Reds ayaa weli si firfircoon uga shaqeyneysa suuqa daafacyada dhexe, iyadoo dhowr dhinac ka eegaysa xulashooyinka ay heli karto. Marka laga soo tago xiisaha ay u qabto Quansah, Liverpool ayaa sidoo kale rajeyneysa inay bilowga sannadka cusub dhammaystirto heshiiska rasmiga ah Ee Ronald Araujo, kaddib amaahdii wanaagsaneyd Ee uu uga yimid Barcelona, taas oo ay ku jirtay bandhiggii awoodda badnaa ee uu ka sameeyay guushii 4-0 ahayd ee ay Axaddii ka gaareen Manchester United.
“Si kastaba ha ahaatee, suurtagalnimada ah in dib loo soo celiyo xiddiga Quansah Ee ka soo baxay akadeemiyadda kooxda, weli si buuxda ayay miiska saaran tahay.”
Bal kawaran Hadii aad tahay taageere kooxda Liverpool ah, Hadii Jarrell Quansah dib loogu soo celiyo kooxda, miyuu dabooli karaa baahida kadib Kabtanka Haatan kooxda u ciyaara Ee Virgil Van Dijk Hadii uu kooxda ka tago?.

