Dani Olmo ayaa indhaha oo dhan soo jiitay kulankii England iyo Spain ee UEFA Nations League, kaddib markii xiddiga Barcelona uu sameeyay xirfad fudud oo Elliot Anderson ku reebtay xaalad adag, xilli Spain ay Wembley kaga adkaatay England 3-2.
Kulankan ayaa ahaa mid xamaasad badan, iyadoo Spain ay ciyaarta ku bilaabatay si xooggan, isla markaana Lamine Yamal uu laba daqiiqo oo keliya kaddib ka faa’iidaystay qalad weyn oo uu sameeyay Marc Guehi, isaga oo Spain u dhaliyay goolka furitaanka, Laakiin daqiiqadihii xigay, Dani Olmo ayaa sameeyay mid ka mid ah dhaq-dhaqaaqyadii ugu hadal haynta badnaa ciyaarta.
Qiyaastii daqiiqaddii 20-aad, Olmo oo 28 jir ah ayaa kubadda helay xilli Spain ay qaaday weerar degdeg ah. Xiddiga Barcelona ayaa si fudud kubadda uga leexiyay Elliot Anderson, isaga oo kubadda dhinac uga dhaafay ciyaaryahanka Manchester City, kadibna si xawaare leh ugu dhaqaaqay dhanka xerada England, Anderson oo 23 jir ah ayaa isku dayay inuu la socdo Olmo, balse xirfadda degdegga ah ee ciyaaryahanka Spain ayaa ka dhigtay inuu ilbiriqsiyo kooban ku lumiyo booskiisa.
Muuqaalkaas ayaa si weyn uga yaabiyay taageerayaasha England, kuwaas oo baraha bulshada ka muujiyay sida ay ula yaabeen xirfadda Olmo, Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa si kaftan ah u sheegay in Olmo uu Anderson u beddelay “traffic cone”, halka kuwo kale ay tilmaameen in xiddiga Spain uu ciyaaryahanka Manchester City si buuxda uga adkaaday.
Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa qoray in Olmo marka uu xirto funaanadda Spain uu si lama filaan ah u yeesho xawaare iyo awood uu kaga gudbo ciyaartoyda sida Anderson.
Taageere kale ayaa sheegay in Olmo uu Anderson si weyn uga adkaaday, halka mid kale uu kaftan ku sheegay inuu Anderson u diray “Manchester”.
Dani Olmo ayaa guud ahaan kulanka door muhiim ah ku lahaa weerarka Spain, isagoo si joogto ah cadaadis ugu abuurayay khadka dhexe iyo daafaca England.
Inkasta oo England ay ciyaarta dib ugu soo laabatay, kadib markii Anthony Gordon iyo Harry Kane ay goolal u dhaliyeen kooxda martida loo ahaa, Spain ayaa qeybtii labaad mar kale xoogga saartay weerarka.
Alex Baena iyo Mikel Oyarzabal ayaa ugu dambeyn dhaliyay goolashii Spain u suurtageliyay inay Wembley kaga baxdo guul 3-2 ah.
Guusha Spain ayaa sidaas ku noqotay mid kale oo muhiim ah oo ay ka gaartay England, iyadoo labada xul ay mar kale isku heleen kadib finalkii Euro 2024.
Dhinaca Elliot Anderson, kulankani wuxuu ahaa imtixaan adag oo uu la kulmay khadka dhexe ee Spain, gaar ahaan ciyaaryahan khibrad iyo farsamo sida Dani Olmo. Halka Olmo uu helay daqiiqad uu si weyn uga dhex muuqdo ciyaarta, Anderson iyo xulka England ayaa ugu dambeyn la kulmay guuldarro 3-2 ah.

