Xiddiga Spain iyo Barcelona Lamine Yamal ayaa ka hadlay guushii weynayd ee Spain ay 3-2 kaga adkaatay England, kulan ka tirsanaa UEFA Nations League oo lagu ciyaaray garoonka Wembley, Yamal ayaa ciyaarta ku bilaabay si cajiib ah, isagoo daqiiqaddii 2-aad u dhaliyay Spain goolkii furitaanka.
England ayaa markii dambe halis gelisay Spain, iyadoo ciyaartu gaartay xaalad ay England 2-1 ku hoggaamin kartay, balse Spain ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay 3-2, Yamal ayaa sheegay in kooxdu ay ogtahay in mar uun laga adkaan karo, balse ay isku dayaan inaysan noqon kooxda laga badiyo:- “Mar uun waa inaad guuldarreysataa, laakiin waxaan isku dayeynaa inaanan noqon kooxda laga adkaado. Waa garoon aad u adag,” ayuu yiri Yamal.
Isagoo ka hadlayay cadaadiska iyo kubadda uu kasoo ceshto kooxda kasoo horjeeda, Yamal wuxuu sheegay in tababaraha uu si weyn ugu dhiirrigeliyo ciyaartoyda inay cadaadis saaraan, Wuxuu intaas ku daray in mararka qaar uu feejignaantiisa lumiyo, balse marka uu si fiican u cadaadiyo kooxda kasoo horjeeda uu fursad u helo inuu kubadda soo ceshado, kadibna gool dhaliyo.
Yamal sidoo kale wuxuu sheegay in Spain aysan dhibsan marka kooxda kasoo horjeedda ay kubadda haysato, maadaama xulkoodu awood u leeyahay weerarro degdeg ah iyo kubbadaha rogaal-celiska ah:- “Ma dhibsanno haddii kubaddu gacanta ugu jirto kooxda kasoo horjeedda. Waxaan leenahay xawaare, mana dhibsanno inaan ku ciyaarno weerarro rogaal-celis ah,” ayuu yiri, Spain ayaa kulankeeda xiga ee Nations League la ciyaari doonta Croatia.

