Daafaca dhexe Ee Manchester United, Ayden Heaven, ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda reer Premier League inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ee bisha Janaayo.
Bilowgii sannadkii 2025ta, kooxda Man United ayaa ku dhowaad £1 milyan ku qarash gareysay saxiixa Heaven, kaasoo ay kala soo wareegtay kooxda ay ku xafiiltamaan Horyaalka Premier League-ga Ee Arsenal.
Ciyaaryahanka oo 20 jir ah ayaa loo arkayay inuu yahay saxiix wanaagsan, balse labadii sano Ee la soo dhaafay wuxuu ciyaaray kulamo ka badan intii la filayay.
Sababta ayaa ah in maamulka Man United ay ku guuldarreysteen inay si ku filan u xoojiyaan daafacooda suuqyadii kala iibsiga Ee dhowaan dhacay, taasoo keentay in Heaven lagu qasbo inuu ciyaaro isagoo laga yaabo inuusan weli diyaar u ahayn masuuliyaddaas.
Bandhiggiisa ciyaaraha Man United wuxuu ahaa mid isku dhex jira, balse wuxuu sameeyay khaladaad dhowr ah, waxaana aan lagu darin shaxdii koowaad Ee Mauricio Pochettino kulankii Axaddii ay 4-0 Guuldarada kala kulmeen kooxda Liverpool Gigada Anfield..
Waxaa laga yaabaa in fursado dheeraad ah la siiyo kadib markii Leny Yoro iyo Matthijs de Ligt ay dhibaato kala kulmeen kulankii Liverpool, balse hadda waxaa soo baxday inuu doonayo inuu Man Utd ka tago suuqa bisha Janaayo.
Wariye Nizaar Kinsella oo ka tirsan BBC ayaa shaaca ka qaaday in Heaven uu diyaar u yahay inuu Janaayo ka tago Man United, isla markaana uu doorbidayo inuu amaah ku baxo.
Kinsella ayaa bartiisa X (Twitter) ku qoray:
“War gaar ah: Ayden Heaven oo ka tirsan Manchester United ayaa diyaar u ah inuu kooxda ka tago bisha January.”
“Daafacan oo 20 jir ah ayaa aaminsan in dhibaatooyinka joogtada ah Ee kooxda ay xaddidi karaan fursadihiisa ciyaareed, balse wuxuu doonayaa inuu qaado tallaabada xigta Ee horumarkiisa.”
“Amaah ayaa ah doorashada uu doorbidayo, balse kama uusan saarin suurtagalnimada inuu si rasmi ah kooxda uga tago.”
Mauricio Pochettino oo la Eedeeyay, iyadoo Ayden Heaven uu doonayo inuu baxo:
Bogga BBC-da, Kinsella ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha la xiriira magacaabista Pochettino iyo halista ay Man Utd ugu jirto dagaalka ka badbaadista heerka labaad, kuwaas oo saameyn ku yeeshay go’aanka Heaven.
Warbixinta ayaa lagu yiri:
“Daafacan dhexe oo 20 jir ah ayaa ka walaacsan waxa xaaladda haatan ee United ay uga dhigan tahay horumarkiisa, kadib markii tababaraha cusub Mauricio Pochettino uu kursiga keydka ku reebay kulankii Axaddii ay 4-0 Guuldarada kala kulmeen Liverpool.”
“Hadda oo uu noqonaya tababarihii saddexaad Ee uu la shaqeeyo muddo 21 bilood gudahood ah tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray bishii Febraayo 2025, Heaven wuxuu aqbalay in Pochettino uu doorbidi karo ciyaartoy khibrad badan leh, iyadoo Man United ay isku dayayso inay ka fogaato hoos ugu dhicid lama filaan ah oo heerka labaad ah.”
Warbaahinta talkSPORT ayaa sidoo kale sheegeysa in Heaven uu doonayo inuu ka tago Man Utd, isla markaana ay suurtagal tahay inuu si rasmi ah uga tago kooxda.
Waxay yiraahdeen:
“TalkSPORT waxay fahamsan tahay in Ayden Heaven uu diyaar u yahay inuu Manchester United kaga tago heshiis rasmi ah ama mid amaah ah bisha January.”
“Heaven ayaa xilli ciyaareedkan kaliya laba jeer kusoo bilowday kulamada Premier League, wuxuuna tartamada oo dhan ciyaaray 470 daqiiqo. Sidaas darteed, da’yarkan hore uga tirsanaa Arsenal ayaa laga yaabaa inuu kooxda ka tago marka suuqa kala iibsigu furmo.”

