Kooxda Arsenal ayaa dhibco muhiim ah lumisay kaddib markii ay barbaro 2-2 ah la gashay Newcastle United, kulan ka tirsanaa wareegga 11-aad ee horyaalka Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka St James’ Park.
Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 33-aad, waxaana goolka u dhaliyay Eberechi Eze. Balse Newcastle ayaa qaybtii labaad si xooggan ku soo laabatay, iyadoo Harvey Barnes uu dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 49-aad.
Daqiiqaddii 62-aad, Malick Thiaw ayaa Newcastle u dhaliyay goolka labaad, taas oo Arsenal gelisay xaalad adag.
Dhanka kale, tababare Mikel Arteta ayaa lagu qasbay inuu beddelo goolhaye David Raya daqiiqaddii 69-aad, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray gacanta, waxaana booskiisa la geliyay Kepa Arrizabalaga.
Arsenal ayaa dadaalkeeda sii waday, waxaana daqiiqaddii 78-aad goolka barbaraha u dhaliyay Noni Madueke, iyadoo labada kooxood ay ugu dambeyn ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.
Natiijadan ayaa Arsenal siisay hal dhibic, iyadoo hoggaanka Premier League ku sii haysata 28 dhibcood, halka Newcastle ay kaalinta 12-aad kaga jirto 13 dhibcood.

