Tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham, Antonio Conte, ayaa ka falceliyay markii Manchester United ay dooratay Mauricio Pochettino inuu noqdo tababaraheeda cusub, isaga oo sheegay in kooxaha ka baqa qaabkiisa shaqo ay dhab ahaantii ka baqayaan guusha.
Conte oo 57 jir ah ayaa ka mid ahaa tababarayaashii lala xiriirinayay shaqada Old Trafford kaddib markii shaqada laga ceyriyay Michael Carrick, balse United ayaa ugu dambeyn dooratay Pochettino.
Tababaraha reer Talyaani ayaa sheegay in habkiisa shaqo ee ku dhisan dadaalka badan iyo anshaxa adag uu yahay mid lagu gaaro guulo waaweyn.
“Qofkii ka baqaya habka aan u shaqeeyo, wuxuu ka baqayaa guusha, sababtoo ah habkaas wuxuu horseedaa guul,” ayuu yiri Conte.
Conte ayaa intaas ku daray inuu ixtiraam weyn u hayo Manchester United iyo halyeeygeedii Sir Alex Ferguson, balse uu la yaabban yahay in la rumeysan karo in kooxda ay ka cabsan karto tababare doonaya inuu dib ugu soo celiyo heerkeedii taariikhiga ahaa.
Conte ayaa intii uu tababaraha ahaa ku guuleystay shan horyaal oo Serie A ah iyo hal Premier League oo uu la qaaday Chelsea.

