Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher oo si cajiib ah uga falceliyey laacib ka tirsan Liverpool …

0

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa amaanay daafaca cusub ee kooxda, Jeremy Jacquet, isagoo sheegay inuu durba u muuqdo daafac bir ah marka loo eego Ibrahima Konaté.

Jacquet ayaa Liverpool kaga soo biiray Rennes xagaagii. Daafaca reer France oo 21 jir ah ayaa si degdeg ah u noqday daafaca Reds, Jacquet ayaa bandhig wanaagsan sameeyay kulankii Liverpool ay Bournemouth ka badisay toddobaadkii hore, waxaana uu ka caawiyay kooxda inay saddex kulan oo xiriir ah Premier League shabaqadeeda ilaashato markii ugu horreysay muddo ka badan labo sano.

Advertisment

Konaté ayaa xagaagii Liverpool uga tagay Real Madrid kadib markii uu heshiis cusub la gaari waayay kooxda.

Carragher ayaa sheegay inuu markii hore ka baqayay in Jacquet uu qalad sameeyo intii ay ciyaartu ka harsanayd 25 daqiiqo, balse uu si kordhiyay qaddarintiisa.

“Ma doonayo inaan si xad dhaaf ah u amaano, sababtoo ah waa lix kulan oo keliya, waana wiil dhalinyaro ah, Waxay u muuqataa inuu aad fiican yahay.”

Carragher ayaa intaas ku daray:“Jacquet wuxuu u muuqdaa mid adag, marka loo eego Ibrahima Konaté. Waxaa ciyaarta ka harsanaa qiyaastii 25 daqiiqo, waxaana is lahaa mar uun qalad ayuu sameyn doonaa.

“Waxaan laga yaabaa inaan si xad dhaaf ah u amaano intii aan ciyaarta faallo ka bixinayay. Laakiin wuxuu u muuqdaa daafac heerkiisa ah, miyaanay sidaas ahayn?”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here