Liverpool ayaa hadda si xooggan ugu dhaqaaqday saxiixiisa, kaddib markii ay ogaadeen in Chelsea ay hormuud u tahay tartanka loogu jiro khadka dhexe ee Bournemouth, Alex Scott, kaas oo lagu qiimeeyo £100 milyan.
Monaco ayaa kordhisay qiimaha Camara, iyadoo hadda ku doonaysa €70 milyan oo u dhiganta £58.5 milyan. Liverpool ayaa la sheegay inay diyaar u tahay bixinta lacagtaas si ay uga guuleysato kooxaha kale ee doonaya.
Sababaha Liverpool ku riixaya inay Janaayo soo hormariso saxiixiisa waxaa ka mid ah dhaawacyada Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch, halka Trey Nyoni oo 19 jir ah uusan weli lahayn waayo-aragnimo ku filan.
Camara oo 22 jir ah ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Premier League, waxaana Monaco ay diyaar u tahay inay fasaxdo haddii dalabkii ay rabtay la keeno.

