Daafaca garabka midig ee Tottenham Hotspur, Pedro Porro, ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu xiiso ka helayo kooxda Barcelona.
Porro ayaa sheegay in xiisaha uga imaanaya koox weyn sida Barcelona uu yahay ammaan, balse uu ku faraxsan yahay Tottenham, isla markaana uu ixtiraamayo heshiiska uu kula jiro kooxda.
Advertisment
“Mar walba waa ammaan marka mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka uu ku xiiseeyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay Tottenham, waxaana haystaa heshiis ay tahay inaan ixtiraamo,” ayuu yiri Porro.
Ads

