Marc Cucurella ayaa si weyn u ammaanay hibada Xiidiga khadka dhexe ee reer

0

Marc Cucurella ayaa si weyn u ammaanay hibada Xiidiga khadka dhexe ee reer Turkey, Arda Güler, isagoo ku tilmaamay xiddiga sameeya farqiga ugu weyn ee gudaha kooxda Real Madrid, inkastoo aan mar walba la siinin buunbuuninta iyo ammaanta uu mudan yahay.

Cucurella oo waraysi siiyay barnaamijka El Partidazo ee idaacadda COPE, ayaa qiray saamaynta degdegga ah ee uu da’yarkan ku yeesho ciyaarta mar kasta oo uu garoonka soo galo.

Advertisment

Isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan xiddiga ugu fiican kooxda ayuu yiri: “Ciyaaryahanka ugu fiican Real Madrid? Waxaan kuu sheegayaa inuu yahay mid aan inta badan la dareemin, kaas oo ah Arda Güler.”

Daafacan reer Spain ayaa xusay in khadka dhexe ee reer Turkey uu yahay ciyaaryahan si xaq-darro ah looga tago marka la samaynayo falanqaynta guud ee ciyaarta. Si kastaba, wuxuu hoosta ka xarriiqay in qaab-ciyaareedka iyo isku-xirka kooxdu uu gabi ahaanba isbeddelo isla markaana uu yeesho waji cusub marka uu Güler la wareego maamulka iyo dhisidda ciyaarta.

Cucurella ayaa sidoo kale qiray sida weyn ee uu ula dhacsan yahay farsamada sare ee saaxiibkiis, wuxuuna hadalkiisa ku soo xiray: “Marka uu Arda Güler ciyaarayo, waxaan u ciyaarnaa si ka duwan sidii hore. Wuxuu leeyahay waji carruureed, laakiin wuxuu soo bandhigaa ciyaar aad u weyn, aad ayaana u jeclahay.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here