Xiddiga kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa sii wada bandhiggiisa cajiibka ah ee xilli-ciyaareedkan ka dib markii uu tirada gool-caawintiisa gaarsiiyay 12 caawin tartamada oo dhan. Rikoodhkan ayaa ka dhigaya xiddiga ugu gool-caawinta badan shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, isagoo dhaafay weeraryahanka Bayern Munich ee Harry Kane.
Da’yarkan reer Spain ayaa wacdarahan dhigay kulankii ay la ciyaareen Atlético Madrid, halkaas oo uu gool-caawin muhiim ah u sameeyay saaxiibkiis Fermín López oo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, taas oo dhammaystirtay soo-laabashadii guusha ee Barcelona.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Yamal ayaa sameeyay siddeed caawin oo horyaalka LaLiga ah iyo afar caawin oo Champions League ah. Wuxuu hal caawin ka sarreeyaa Harry Kane oo leh 11 gool-caawin, halka Tufan, Nico Paz iyo Grull ay min siddeed caawin sameeyeen.
Saamaynta Yamal ee kulankii Atlético Madrid kuma koobnayn oo keliya gool-caawinta, balse wuxuu ahaa xiddiga ugu gambiska badnaa garoonka isagoo guuleystay lix jeer. Wuxuu sidoo kale abuuray toddoba fursadood, isagoo dhammaystiray 13 baas oo dhanka weerarka ah iyo laba kubbadood oo uu dhanka daafaca ka soo furtay.
Yamal ayaa haatan ku biiraya xulka qaranka Spain ee fasaxa caalamiga, isagoo xilli-ciyaareedkan dhaliyay 13 gool isla markaana caawiyay 12 kale, taas oo muujinaysa sida uu u noqday mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muhiimsan ee kooxda Barcelona.

